Iran iyo Israel: Loollanka Istiraatiijiga ah iyo Khataraha Colaadeed ee Bariga Dhexe
Dagaalka suurtagalka ah ee u dhexeeya Iran iyo Israel waxa uu noqday mid si joogto ah u hadheeya warbaahinta caalamka iyadoo labada dalba ay muujiyeen naceyb siyaasadeed oo istaraatiiji ah iyo mid taariikheed oo aad u qoto dheer xiisaddan ay sannado badan soo jiitameysay waxay u dhaxeysaa laba awoodood oo Bariga Dhexe ku yaala kuwa ugu saameynta badan waxay leeyihiin taageerayaal caalami ah iyo dano siyaasadeed oo isdiidan. Haddii dagaal buuxa uu qarxo khasaaraha ka dhalan kara ma ahaan doono mid ku ekaanaya labada dal ee tooska waxa ugu dhexeeyaan balse wuxuu si weyn u saameyn doonaa gobolo badan oo kale xasilloonidana wuxuu gelin doonaa khatar daran oo laga cabsi qabo adduunka oo dhami.
Dalka la dhaho Iran waxay leedahay awood milatari oo balaadhan oo ay ku jirto barnaamijkeeda gantaallada ballistika, awood ciidan oo ku salaysan maleeshiyaad fidinaya danaha Tehran (sida Xisbullah iyo kooxaha kale ee Shiicada ee Ciraaq, Suuriya iyo Yemen), iyo saldhigyo istiraatiiji ah oo ku baahsan gobolka. Dhanka kale ee Israel waa awood milatari oo casri ah, lehna taageero buuxda oo ka timaadda Maraykanka, haysatana tignoolajiyad sare iyo sirdoon aad u firfircoon Waxay leedahay nidaamyo difaac oo horumarsan sida “Iron Dome” iyo awood nukliyeer ah oo aan si rasmi ah loo shaacin balse si weyn loo tuhunsan yahay.
Marka la eego awoodda milatari ee labada dal, Israel ayaa si weyn uga sareysa dhanka tignoolajiyadda sirdoonka iyo diyaar garowga degdega ah halka Iran ay ku tiirsan tahay dagaal-kiis siyaasadeed oo u badan maleeshiyaad la xulafo ah duqeymo gantaallo, iyo weerarro asaasid ku saleysan Si kastaba ha ahaatee Iran waxay leedahay sabir istiraatiiji ah iyo awood ay ku fidiso saameynteeda fog iyadoo aan si toos ah dagaal u gelin taasina waa mid ka dhigaysa khatarteeda mid aan sahlaneyn in la saadaaliyo haddii uu dagaalku qarxo lama filayo in labada dal toos isu weeraraan muddo dheer oo la mid ah dagaallo dhaqameed balse waxaa dhici karta in dagaalku u ekaado mid “hoos-hoos” ah oo isugu jira gantaal weerar, weerarro dhanka hawada ah iyo howlgallo sirdoon oo qarsoon.
Khasaaraha ka dhalan kara dagaal noocaas ah wuxuu noqon karaa mid baaxad leh Dad rayid ah ayaa si toos ah ugu waxyeeloobi kara gantaallada duqeymaha iyo weerarada iskaga jawaabidda dhaqaalaha labada dal gaar ahaan Iran oo horey u wajahaysay cunaqabatayn caalami ah — wuxuu u nuglaadaa burbur dhaqaale oo daran. Israel inkasta oo dhaqaalaheedu yahay mid xooggan haddana waxay la kulmi doontaa jahwareer dhanka maalgashiga dalxiiska, iyo suuqyada gudaha ah Sidoo kale dagaalada noocan ah wuxuu keeni karaa in la jiido dalal kale oo gobolka ku yaalo ama xulafada labada dhinac taasoo ka dhigan in colaaddu ay u gudubto heer goboleed ama mid caalami ah.
Marin habaabinta iyo been abuurka ayaa ah dhinaca kale ee muhiimka ah ee laga reebi karin marka laga hadlayo xiisaddan Labada dhinacba waxay si joogto ah u adeegsanayaan warbaahinta iyo baraha bulshada si ay u muujiyaan guulo aysan weligood gaarin ama si ay ugu eedeeyaan dhinaca kale falal ay mararka qaar iyagu geysteen Iran waxay marar badan ku tilmaantaa Israel inay tahay “shaydaanka yar” oo dhibaatooyin ku haysa Muslimiinta, halka Israel-na ay Iran ku sheegto “dawlad argagixiso taageerta” oo halis ku ah jiritaanka Israel. lakiin xogaha laga helo warbaahinta rasmiga ah ee labada dhinac mararka qaar waxay si weyn uga fog yihiin xaqiiqda dhabta ah iyadoo la isku dayo in la kiciyo dareenka shacabka gudaha iyo taageerayaal dibadeed. Been abuurka dhanka xogaha waxay sababi kartaa in beesha caalamku ay si qalad ah u qiimeyso halista dhabta ah taasoo mararka qaar keeni karta in go’aamo qaldan laga qaato xaalado u baahan dheellitirnaan iyo faham buuxa Sidaas darteed warbaahinta madaxa bannaan iyo hay’adaha kormeerka caalamiga ah waxay leeyihiin door muhiim ah oo ah inay daahfuraan xaqiiqooyinka dhabta ah kana hortagaan ololaha marin habaabinta labada dhinac.
Aniga aragtiyahayga waxay noqonayaan dagaalka Iran iyo Israel haddii uu qarxo wuxuu noqon karaa masiibo ka dhan bani’aadtinimada sidookalana gobolka Bariga Dhexe-na wuxuu gelayaa xasillooni darro aan laga soo kaban karin muddo dheer si kastaba oo labada dalba ay u leeyihiin awood is-difaacid iyo weerar haddana khasaaraha ka dhici kara waa mid aan jirin cid dhab ahaantii ka faa’iidaysan doonta Waxa kaliya oo ka dhalan kara waa burbur, dhimasho, barakac, iyo adkeynta nacaybka labada shacab. Waxaa muhiim ah in beesha caalamka ay ka shaqeyso xallinta khilaafaadka iyadoo aan dhinacna loo eexan isla markaana la iska ilaaliyo inay xiisadaha siyaasadeed u adeegaan dano gees kale ah. Haddii la iska indho tiro xaqiiqada waxay horseedi kartaa in beentii laga faafiyay colaaddan ay noqoto xaqiiqo dhab ah — mid dhiig iyo baaba’ ku saleysan dabteeda iyo dhalanteed keeda.
—Aragtiyo ideolajiyada ah iyo is dhexgalka danaha istaraatiijiga ah.
Si aan u fahanno jihada ay colaaddan ku socoto waxaa lama huraan ah in aan eegno doorka ay ku leeyihiin qaar ka mid ah quwadaha waaweyn ee caalamka iyo gobolka kuwaas oo leh dano gaar ah oo xidhiidh la lahaan karta taariikhda iyo ideolajiyado is diidan Saddex waddan oo door weyn ka ciyaari kara ama aan filayo inay saameyn ku yeeshaan dagaal suurtagal ah oo u dhexeeya Iran iyo Israel waa Turkey, Ruushka, iyo Kuuriyada Waqooyi, iyadoo Maraykanka damaciisa istaraatiijiga ahi uu saldhig u tahay xiisaddan sii kululaaneysa.
Turkigu waxa uu leeyahay taariikh dheer oo xiriir la leh labada dal inkasta oo ay marar badan dhaleeceysay Israel gaar ahaan xasuuqii Falastiiniyiinta haddana waxaa ka dhaxeeya xiriir ganacsi, sirdoon iyo mid difaac. Xagga Iran Turkigu waxa la wadaagidda danaha gobolka gaar ahaan xakameynta Kurdiyiinta iyo arrimaha Suuriya balse waxay isku aragti ka noqon waayeen siyaasadda diimeed iyo isballaarinta shiicada ee Iran Sidaas darteed Turkigu wuxuu isu arkaa dhexdhexaadiye awood leh, balse mar kasta diyaar u ah in ay danahaheeda ku ilaashato si xulashooyin badan u ay furnaadaan si kala doorashooyin badan u timaado.
Ruushka wuxuu si istaraatiiji ah ula safan yahay Iran gaar ahaan marka la eego iskaashiga dhanka difaaca tamarta iyo doorkiisa Suuriya. Ruushku wuxuu ka faa’iideystay loollanka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran si uu u sii xoojiyo saameyntiisa gobolka Haddii dagaal dhaco ruushku waxa uu ku dadaali doonaa in aan la jebiyo xulafadiisa gobolka isla markaana uu hor istaago wax kasta oo xoojinaya awoodda Maraykanka ama NATO ee Bariga Dhexe. Dhanka kale Israel Ruushku wuxuu la leeyahay xiriir xasaasi ah oo inta badan ku dhisan dheellitirka danaha.
Kuuriyada Waqooyi inkasta oo ay juquraafi ahaan ka fog tahay Bariga Dhexe hadana waxa ay si xooggan ugu xiran tahay Iran dhanka ideolajiyadda la-dagaalanka reer galbeedka iyo ka soo horjeedka hegemooniyadda Mareykanka. Kim Jong-un wuxuu u arkaa in xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe ay u noqon karaan fursad uu ku mashquuliyo caalamka si uu u sii wato barnaamijkiisa nukliyeer iyo inuu kor u qaado sumcaddiisa gudaha, Sidoo kalena waxaa jirta cabsi ah in uu si dadban ugu taageero Iran qalab militari ama sirdoon.
Dhanka kalena Maraykanku wuxuu isu arkaa difaaca ugu weyn ee Israel waxaana u ah arin qaran in aan la ogolaan in Iran ay hesho awood kor u qaadaysa saameynteeda gaar ahaan dhanka hubka nukliyeerka. Damaca Maraykanku wuxuu salka ku hayaa ilaalinta saaxiibtinimada uu la leeyahay Israel xakameynta awoodaha ka soo horjeeda reer galbeedka iyo ilaalinta saameynta uu ku leeyahay suuqyada tamarta ee gobolka. Sidaas darteed Maraykanku wuxuu door firfircoon ku yeelan karaa dagaal kasta iyadoo uusan kaliya taageerayn Israel balse uu isku dayayo in uu sii xakameeyo gobolka.
Arrimaha ideolajiyadda ayaa sidoo kale door muuqda ku leh Iran waxay dagaalkeeda ku saleysaa aragtida diimeed ee Shiicada iyo la-dagaalanka waxa ay ugu yeeraan hegemooniyadda reer galbeedka iyo cadaawadda ay u qabto Zionism-ka Israel dhankeeda waxay isku aragtaa inay difaaceyso jiritaankeeda oo ay si ideolaji ah uga soo horjeeddo argagixisada iyo dawladaha taageera quwadaha kale sida Ruushka, Kuuriyada Waqooyi iyo xataa Turkiga waxay sidoo kale leeyihiin ideolajiyado iyo dano isugu jira mid diimeed, iyo mid taariikhiyeed iyo siyaasadeed oo mid walba ka dhigaya inuu dagaalka u arko dariiq uu ku xoojiyo mowqifyadiisa caalami.
Comments
Post a Comment