Buugga "Discourse on Colonialism"

Aime cersaire oo ahaa mufakir iyo gabayaa u dhashay jasiiradda Martinique ayaa dunida u soo bandhigay buuggan layaabka ah waxa qoray sannadkii 1950 buuggani wuxuu dhashay xilli ay dunidu ka kici lahayd silsiladihii gumeysiga isagoo noqday buunka xorriyadda ee ka dhex dhawaaqay maskaxda dadka la dhibay tan iyo xilligaas daabacadaha kala duwan ee buuggan iyo horudhacyada cusub ee ku daray Robin d.g. kelley waxay mar walba soo nooleeyeen nuxurka gubaya ee buugga taas oo ka dhigtay mid aan gaboobayn oo weli la falgala dhibaatada iyo is-beddelada dunidan casriga ah. 


Marka laga hadlayo suugaanta iyo falsafadda ka dhalatay halgankii ka dhashay gumeysiga ka dib ma jiraan buugaag badan oo u dhigma miisaanka iyo saamaynta buug yaraha "Discourse on Colonialism" ee uu qoray Aimé Césaire buuggani ma aha oo kaliya eedayn loo soo jeedinayo nidaamkii gumeysiga balse waa mid ka mid ah baadhitaanada ugu xanuunka badan uguna runta badan ee lagu sameeyay naf-aqoonka iyo anshaxa reer Galbeedka Cesaire isaga oo adeegsanaya luuqad farshaxanimo leh oo ay ka muuqato cadho caqliyaysan wuxuu halkan ku falanqaynayaa sida gumeysigu u ahaa aafada ugu weyn ee ku dhacday bini-aadamka isaga oo burburiyay gumeystihii iyo kii la gumeysanayayba nuxurka falsafadeed ee uu Cesaire halkan ku soo bandhigayaa waxa uu ka bilaabmayaa dood ka dhan ah sheegashada reer Yurub ee ahayd in gumeysigu ahaa "hawlgal ilbaxnimo." Cesaire waxa uu ku dooday dhab ahaantii in gumeysigu uusan ahayn xidhiidh u dhexeeya dad is-badelaya barasho aqooneed ama horumar bulsho, balse uu ahaa "farsamo dadka lagu mashiineeyo." Wuxuu adeegsaday isla'eg caan ah oo uu ku sheegay in gumaysi = shay-ka dhigid ama dadka loo arko qalab ama alaab (thingification). Halkii gumeystuhu ka arki lahaa qofka la gumeysanayo bini-aadam la mid ah wuxuu u arkayay qalab, badeeco, ama mashiin wax soo saar ah taas oo keentay in bini-aadamnimadii laga xayuubiyo labada dhinacba.
 
Waxa ugu yaabka badan ee uu Cesaire buugan uu ku soo bandhigay waa xidhiidhka ka dhexeeya gumeysigii reer Yurub ku hayeen dunida kale iyo masiibadii nacaybka Nazism-ka ee Yurub dhexdeeda ka dhacday. Césaire waxa uu si dhiirran u sheegay in Adolf Hitler uu san ahayn dhacdo ku cusub yurub balse uu ahaa natiijada dabiiciga ah ee gumeysiga yurub waxay muddo qarniyo ah indhaha ka laabatay xasuuqa, kufsi iyo addoonsiga ay ku haysay dadka madowga ah iyo kuwa kale ee aan cad-cadayn; markii ay falalkaas oo kale ka dhasheen gudaha Yurub oo lagu sameeyay dad cad-cad ayay markaas uun ka qayliyeen sidaas darteed. Césaire wuxuu ku doodayaa in gumeysigu uu ahaa sun ay yurub lafteedu cabtay taas oo ka dhigtay inay lumiso anshaxeedii iyo xeerarkii bini-aadamnimada  ugu dambayntiina u horseeday inay dhexdeeda isku xasuuqdo. Dhinaca kale buuggu wuxuu si xooggan u difaacayaa ilbaxnimooyinkii ka horreeyay gumeysiga ee Afrika, Aasiya, iyo Ameerikada dhaladka ah Césaire ma aqbalayo in dadkaas ay ahaayeen dad "jaahil" ah oo u baahnaa in la badbaadiyo taas beddelkeeda wuxuu qeexayaa inay ahaayeen bulshooyin wada-jir leh oo leh nidaamyo xidhiidh u furan oo aan lahayn kala-sarraynta mashiinaysan ee hanti-goosadka reer galbeedku keenay.  

Wuxuu tilmaamayaa in gumeysigu uusan burburin oo kaliya jidhka dadka la gumeystay balse uu isku dayay inuu tirtiro taariikhdooda iyo ruuxiiddooda isagoo ku beeray dareen ah inay ka hooseeyaan bini-aadamka kale.
ugu dambayntii falsafadda Cesaire ee buuggan ku dhex jirta waa mid "xoreyn maskaxeed." Ma aha oo kaliya inuu dalbanayo in calanka gumeysiga la laabo balse wuxuu ku baaqayaa in la burburiyo qaab-dhismeedka fikir ee yurub ay ku dhistay caalamka. Wuxuu na tusayaa in "horumarka" ay sheeganayaan reer galbeedku uu ku dul dhisanyahay dhiig iyo dhibaatada inta badan dadka dunida buuggan  waa mid weli nool oo ina xusuusinaya in xabsiga ugu weyn ee dadka lagu hayo uu yahay maskaxda iyo ka dhaqanka iyo in xorriyadda dhabta ahi ay tahay in dib loo helo bini-aadamnimadii ay gumeysiga iyo hanti-goosadku naga xayuubiyeen waa baaq ku socda qof kasta oo raba inuu fahmo sababaha ay dunida maantu u dhisantahay sida ay tahay iyo sidii looga gudbi lahaa hadhaaga fikirkaas xun.

                        



     






Comments