Akhrisku waa hubka ugu awoodda Badan ee xorriyadda maskaxda
Akhriska Taariikhdu wuxuu qayb libaax ka qaataa saadaasha fog ee mustaqbalka ummadaha. Xigmad Giriig ah ayaa ahayd” Historian know some about Future”, oo micnaheedu noqonayso Sooyaalyahanku wuxuu ogyahay qayb ka mid mustaqablka. Dabcan wuu saadaalin karaa ayuu nuxurku noqon karaa, waayo wixii maqan ilaahay ayaa og, Sidaas oo kale wax akhriska taariikhuhu waa u mihiim bulshada. Sooyaalyahanka waxaa maankiisa iyo maskaxdiisa ka buuxa kumanaan dhacdooyin oo adduunka ka dhacay, markaa wuxuu eegayaa taariikh ahaan waxa ay iska shabbahan waxa dhacaya wakhtigan. Waa tii soomaalidu tidhi” Ninkii waxa taagan aan garanin waxa soo socda ma garto”. Inta badan waxyaabaha adduunka ka dhacayaa, waxa ay xidhiidh taariikheed la leeyihiin wax hore u soo dhacay, qaarkoodna waa isku mid oo dhacdo hore u dhacday ayaa iyadii oo weji kale leh dib u soo noqota..
Dunida horumartay ee aynnu maanta ku nool nahay wax akhrisku wuxuu ula mid yahay nolol-maalimeedkooda ama quutal-daruurigooda. Maahmaah Jabaaniis ah ayaa tidhaahada” reading is like the daily live eating“, wax akhrisku wuxuu la mid yahay wax cunista saddexda wakhti, sidaa darted ayey shacabka reer Jabaan dhaqan ka dhigteen inay saddexda wakhti ee wax la cuno ay mid kasta raacsadaan min hal Buug oo ay akhristaan. Dadka wax akhriska caado ka dhigtaa waa kuwo xor ah, oo ka dawoobay cudurada dilaaga ah ee jahliga iyo dib-u-dhacu kow ka yahay. Wax akhrisku wuxuu kobciyaa maskaxda, ka dib maskaxda ayaa balaadhata, waxa aanay horseedaa inay siyaabo kala duwan u fikirto, oo ay horumar ku tallaabsato. Haddii cuntadu ay koriso jirka, akhriskuna wuxuu koriyaa maskaxda iyo fahanka.
Wax akhrisku qofkii caado ka dhigtaa waxuuu noqdaa qof ka aragti dheer dadka aan waxba akhrisan, waayo waxa maskaxdiisa ku jira macluumaad fara badan oo nololo kala duwan soo maray. Mar kasta oo arrin loola yimaado in uu ka talo bixiyo, wuxuu taladiisa u soo bandhigayaa qaab ku habboon wixii loola yimid. Sababta ayaa ah, wuxuu ku samaynayaa rog-rogis fara badan oo dhinac kasta ayuu ka eegayaa. Sheekh Mustafe oo ka hadlayey muxaadaro ku saabsan cilmiga ayaa sheegay hadal nuxurkiisu ahaa” laba arrimood ayey bulshooyinku isku dhaafeen. Kow, in maskaxda marka hore macluumaad badan lagu shubo (Wax akhris), ka dibna wixii la soo gudboonaada ay awood u yeelato inay xaliso. Laba, in maskaxda la adeegsado intii suurtogal ah, oo wakhti badan la siiyo inuu qofku kaga baaraandego naftiisa horumarkeeda iyo dib u dhaceeda.” Maanta waxa aynnu ku jirnaa wakhti lagu magacaabo “Information Age” wakhti macluumaad, oo ay meel kasta qulqulayaan aqoon iyo macluumaad kala duwan, lana heli karo haddiiba loo baahdo. Waxa kale oo iyana mihiim in aad wakhti fiican siiso wax akhriska, si ay kuugu duxdo aqoontii aad akhriday, xigmad ingiriisi ah ayaa tidhaahda” Take time to read, it is the source of knowledge”, oo micnaheedu yahay, wakhti sii inaad wax akhrido, waayo waa ilaha cilmigu ka soo burqanayo.
Dadka adduunka ugu guulaha badan, ummadaha horumaray, iyo hogaamiyeyaasha wax-galka ah ee dunida kama ay simin hal shay—wax akhris. Aqoonta ay hayaan, aragtida ay la yimaadeen, iyo guulaha ay gaadheen waxa saldhig u ahaa akhris ballaadhan oo naftooda iyo maskaxdooda iftiimiyay. Akhrisku waa xudunta ugu weyn ee kobcisa garaadka bini’aadamka, kobcisa maskaxda, kobcisa aragtida, kobcisa suurtagalnimada qofku wax ku xallin karo, kobcisa awoodda uu wax uga garan karo xaqiiqada nolosha. Dadka caadada ka dhigta wax akhriska waxay leeyihiin hal dabeecad oo kala saarta kuwa kale—aragti dheer oo aanay cid kale lahayn. Waa dad su’aalo badan iska weydiiya xaqiiqada nolosha, waxay jecel yihiin inay fahmaan wax ka weyn iyaga, waxay mar walba doonayaan inay helaan xigmad iyo garasho dheer. Waa dad xor ka ah hal dhinac u fikirka, oo ka baxsan xayndaabka afkaarta taagan, kuwaas oo mar walba ka xorooba cidlada caqliga ka go’day.
Akhrisku Waa hubka Loo Isticmaali Karo Xorriyadda Fikirka
Haddii ay jiraan dad maanta fikirkaaga xukumaya, haddii aad la noolshahay bulsho maskaxdeeda la xaday, haddii aad u baahan tahay xorriyad dhabta ah—xorriyadda ugu weyn ee aad heli karto waa mid maskaxdaada ah, waana mid aad ku gaadhi karto kaliya haddii aad wax akhris caado ka dhigto sidookale qofka aan wax akhrin ma oga waxa ka maqan iyo maskaxdiisa ka maqan kumanaan fikradood oo uu ka heli lahaa hal buug, waxaa ka maqan xigmado nololeed oo uu ka kororsan lahaa taariikhdiisa ma guurtada ah waxaa ka maqan faham uu la jaan-qaadi lahaa waayaha adduunka, waxaana ka maqan awood uu iskaga celin lahaa wax kasta oo lagu sirmayo sababtaas tan ay ummadaha awoodda badan ee adduunka u dhisaan nidaamyo dadkooda wax akhriska lagu baro, laga bilaabo carruurnimada illaa waayeelka. Sababtu waxay tahay qof wax akhriya lama adoonsan karo, laguma siri karo been, laguma harqin karo caadifad, lagumana xukumayo jahli.
Akhrisku waa Illaha runta Iyo xaqiiqada.
Xaqiiqada dhabta ah ee nolosha lama helo haddii aan maskaxdu la kulmin afkaar kala duwan, haddii aan la furin buugaag kala duwan lama fahmi karo dhabta jirta ama Runta ma ogaan kartid haddii aad hal dhinac ka akhrido nolosha, waayo runta waxaa lagu bartaa is-barbar dhigga, tijaabada, iyo falanqaynta buug kastaa waa albaab aad uga gudbeyso hal adduun una gudbeyso adduun kale Waxa uu kuu furaa fikrado aadan hore u ogeyn, wuxuuna kaa dhigaa qof maankiisu dhaafo caqabadaha ay la kulmaan,Marka uu qof wax akhriyo, waxa uu baranayaa inuu nolosha u dhaqmo sida ay dhab ahaan u jirto, ee uusan ugu fikirin sida waxloo sheegayo mahan waxkale ku baraneen.
Bulshooyinka Horumaray iyo Dhaqanka Akhriska
Bulsho kasta oo horumartay waxa ay ka siman yihiin hal shay—dadkoodu wax akhrin bay caado u leeyihiin. Jarmalku, Maraykanku, Shiinaha, Ingiriiska, Jabaan, Koonfurta Kuuriya—dhammaan waxay leeyihiin ummad wax akhrisa, waxayna taasi keentay in fikirkeedu horumaro, wax soosaarkeedu bato, hal-abuurkeeduna kobco. Ummad kasta oo akhriskeedu yaryahay, fikirkeeduna wuu gaabiyaa. Waxay noqotaa bulsho ku nool shanlayn oo aan xilligan la jaanqaadi karin sidookale qof kasta oo nolosha guul ka gaaray, waxa uu akhris badan caado ka dhigtay. Dadka maamulaya shirkadaha waaweyn ee adduunka, siyaasiyiinta ugu awoodda badan, cullimada ugu caqliga badan—dhammaan waxay caado ka dhigteen wax akhriska.
- Warren Buffett—mid ka mid ah dadka maal-qabeenka ah ee ugu caqliga badan—waxaa la weydiiyay sirta ugu weyn ee guushiisa. Wuxuu yiri: “Anigu maalintii 80% wakhtigayga wax baan akhriyaa.”
- Bill Gates wuxuu sanad kasta akhriyaa ugu yaraan 50 buug. Elon Musk, Steve Jobs, Barack Obama—dhammaan waxay lahaayeen hal caado oo la isku mid ah waana wax akhris badan.
Haddii Aadan wax akhrin waa lagu maamuli Doonaa
Xigmadda ay leedahay wax akhrisku waxay u dhaw dahay tan falsafadda. Falsafaddu waxay qofka baraysaa in aanu caqligiisa cid kale u dhiibin, wax akhriskuna wuxuu qofka barayaa in aanu maskaxdiisa cid kale u dhiibin, “Dadku waxa ay u kala baxaan laba nooc”
1. Kuwa wax akhriya oo go’aankooda is leh had iyo gooraaleba.
2. Kuwa aan wax akhrin oo maskaxdooda lagu xukumaa had iyo gooraaleba.
Gunaanad
Wax akhrisku waa ka badbaadinta qofka iyo bulshada dhaxal-xumada jahligu keeno. Waa ilaha kaliya ee qofka ka badbaadin kara siraha, dulmiga, khaladaadka nolosha iyo marin-habaabinta. Waa sababta dunida horumartay u dhigato buugaagta sidii cunto loo baahanyahay, akhrisku waa furaha koboca garaadka, xorriyadda fikirka, iyo horumarka bulshada. Waa il biyo-mareen ah oo qofka ka ilaalinaya jahli, caadifad aan xaqiiqo lahayn, iyo siraha la isaga isticmaalo maskaxda aan la kobcin. Dadka wax akhriya waxay leeyihiin maskax firfircoon, su’aalo badan, iyo aragti dheer oo aan lagu xannibi karin fikir hal dhinac ah. Bulsho kasta oo wax akhriska horumarisay horumar bay la timid bulsho kasta oo dayacdayna dib-u-dhac bay la kulantay Haddaba haddii aad rabto inaad xoroowdo, faham qoto dheer yeelato, oo aad noloshaada jihayso—wax akhri si maskaxdaadu u noolaato garaadkaaguna u kobco.
Comments
Post a Comment