FALSAFADDA IYO DIB-U-DHISKA BULSHADA.

Bulsho kasta waxay la kulantaa caqabado horumarkooda dib u dhigi kara, sida qabyaaladda, cadaalad-darrada, iyo fikir xiran. Saddexda aragtiyoodi waxay ka hor istaagaan isbeddelka togan iyo horumarka waara. Falsafadda oo ah xuddunta aragtida aadanaha iyo xaqiiqada,akhlaaqda, iyo caddaaladda, waxay door weyn ka qaadan kartaa dib-u-habaynta bulshada. waxaan falanqeyn doonnaa sida falsafaddu uga caawin karto bulshada inay ka gudubto caqabadahaas, annagoo si gaar ah u eegaya doorka falsafadda akhlaaqda, falsafadda siyaasadeed, iyo falsafadda garaadka. Falsafadda Horumarka Dhaqaalaha soomaalida.



        Falsafaddas iyo Ka Gudubka Qabyaaladda

Qabyaaladdu waa mid ka mid ah caqabadaha ugu weyn ee bulshada soomaalida Waa nidaam fikir ah oo qofka uu mudnaanta siiyo qabiilka ama qoyska halkii uu ka eegi lahaa kartida iyo aqoonta, qabyaaladdu waa mid ka mid ah caqabadaha ugu weyn ee hortaagan horumarka bulshada Soomaaliyeed. Waa hab fikir qofka ka dhigaya mid u xagliya qabiilkiisa, halkii uu mudnaanta siin lahaa kartida, aqoonta, iyo danta guud ee bulshada. Nidaamkan qabyaaladeed wuxuu curyaamiyay horumarka, cadaaladda, iyo midnimada bulshada, wuxuuna dhaliyay colaad iyo kalatag joogto ah, qaabka kaliya ee looga bixi karo waxa weeye in la fahmaa asalka falsafadeed ee dhibaatadeeda iyo xalkeeda. Falsafaddu waxay bixisaa aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sida bani’aadamku u fekiro oo u wada noolaado. Marka laga eego xagga falsafadda akhlaaqda (ethics), qabyaaladdu waa nooc eex ah (bias) oo ka hor imanaya mabaadi’da caddaaladda iyo sinaanta. Filasoofyiintii hore sida Aristotle iyo Plato waxay adkeeyeen in bulshada ay ku dhisnaato cadaalad iyo awood-wadaag, taasoo ka soo horjeedda qabyaaladda oo ku dhisan dulmi iyo kala sarayn aan cadaalad ahayn

 

·       Falsafadda Aqoonsiga (Identity Philosophy)

 Falsafaddu waxay caddaynaysaa in aqoonsiga qofka uusan ku salaysnaan karin qabiil ama abtirsiin, balse uu yahay wax ka ballaaran oo la xiriira kartida, shakhsiyadda, iyo doorka uu qofku ku leeyahay bulshada. Qabiilka waa wax qofku ku dhasho, balse ma ahan wax qeexaya qiimaha ama awoodda qofka. Jean-Paul Sartre, oo ka mid ah faylasuufyadii ugu waaweynaa qarnigii 20-aad, wuxuu falsafaddiisa wakiilnimada (existentialism) ku caddeeyay in qofka bani’aadamka ahi uu xor u yahay inuu naftiisa qeexo, islamarkaana aanu ka amar qaadan waxyaabo la soo dhaxlay sida qabiil, dhaqamo hore, ama xeerar aan uu isagu dooran. Fikirkaas wuxuu si gaar ah ula jaanqaada  bulshada Soomaaliyeed ee qabyaalada iyo cunfigu dilooday waa nidaam qofka ku xaddidaya abtirsiintiisa, waxayna diidaysaa innuu ka gudbo xayndaabkaas loona eego shakhsiyaddiisa, kartidiisa, iyo doorashadiisa gaarka ah. Sidaas darteed, haddii la rabo in qabyaaladda laga gudbo, waa in la fahmo doorka falsafadda ee xoreynta qofka, lagana shaqeeyo sidii aragtidaas loogu beddeli lahaa dhaqan bulsho soomaaliyeed sidookale waxa kamid ah dadka aratiyaha ka dhiidhiya Jean-Paul Sartre Xorriyadda Aqoonsiga faylasuuf kani wuxuu ku doodayaa “jiritaanka ka horreeyo macnaha (meaning)” – taasoo micnaheedu yahay in qofku marka hore jiro, kadibna uu macne u sameeyo noloshiisa. Taas macnaheedu waxa weeye in qofku aanu lahayn qaddar horey loo sii dejiyay (predetermined essence), sida abtirsiin ama qabiil uu isaga laftiisu dooran waayay. Qof walba waa inuu mas’uul ka noqdaa noloshiisa, taasoo la macno ah in uu ka baxo waxyaabaha xaddidaya xorriyaddiisa, sida qabyaaladda iyo aragtiyaha la halmaala. 

 

 

·       Falsafadda Stoic-ga iyo Ka Gudubka Qabyaaladda: Xalka Sinnaanta iyo Midnimada Bulshada soomaaliyeed.

        

Aragtidani waa mid aasaasi ah oo oranaysa in dhammaan aadanaha ay siman yihiin, iyadoon loo eegin qabiil, dhaqaale, ama awood siyaasadeed. Stoic-yadu waxay aaminsanaayeen in qof walba uu leeyahay qiimo bani’aadamnimo (universal human dignity) taasoo aan ku salaysnayn dhalasho, qabiil, ama xoolo. Sidaas darteed, haddii fikradan la fahmo oo la hirgeliyo, qabyaaladda waxay lumineysaa saamaynteeda, maxaa yeelay qof walba wuxuu noqonayaa mid lagu qiimeeyo akhlaaqdiisa, caqligiisa, iyo ficilladiisa halkii laga eegi lahaa qabiilka uu ka dhashay Falsafaddan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah bulshada Soomaaliyeed, taasoo qabyaaladdu caqabad weyn ku tahay xasilloonida, horumarka, iyo cadaaladda. Haddaba, si loo hirgeliyo aragtida Stoic-ga ee sinnaanta, waa in la fahmo mabda’aheeda aasaasiga ah iyo sida ay u caawin karto bulshadeenna. Mabda’a Aasaasiga ah ee Stoic-ga waxa kala qaba Faylasuufyadii Stoic-ga sida Zeno of Citium, Epictetus, Seneca, iyo Marcus Aurelius waxay qabaan sidan: 

            1.         Dhammaan aadanahu in ay leeyihiin caqli ay u siman yihiin – Taas macnaheedu waa in qof kasta uu leeyahay karti uu isku horumariyo, xornimo maskaxeed, iyo awood uu ku garto waxa saxda ah iyo khaladka ah. 

            2. Aragtidan kalena waxay leedahay Qofka bani’aadamka ahi ha lagu qiimeeyo akhlaaqdiisa. Ee yaan lagu qiimeynin dhalashadiisa – Stoic-yadu waxay aaminsanaayeen in qofku aanu qiimihiisa ka helin qabiilkiisa ama hantidiisa, balse uu qiimihiisu ku xiran yahay akhlaaqdiisa iyo caqligiisa. Aragtidaasi waxay soomaali tusaysaa in bulshada lagu baraarujiyo  in hoggaanka la siiyo kuwa leh akhlaaq sare iyo cadaalad, halkii lagu xulan lahaa qabiilka waxaan aaminsanhay in aragtidaasi bulshada soomaaliyeed ay dhaafsiisantahay.!

 

·       Fikirka Falsafadeed ee Horumarka Dhaqaalaha.

 

Falsafaddu waa aasaaska fikirka bani’aadamka, waxayna door muhiim ah ka ciyaartaa horumarka dhaqaalaha dalalka horumaray waxay heleen koboc dhaqaale oo joogto ah maxaa yeelay waxayfalsafad ahaan qaateen fikrado xoojiya caddaaladda iyo hufnaanta, hal-abuurka, iyo wax soo sarka xoogleh iyadoo fursadaha-sinnaanta bulsheed laf dhabar uga dhigaya hase ahaatee dalalka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, waxa hor taagan caqabado ay ka mid yihiin qabyaaladda iyo musuqmaasuqa,cadaalad-xumo waxay u horseedeen dhaqaale xumo baahsan iyo bilaa hal abuur bulsheed oo ka imanya dhanka nidaam-xumada ka jirta wadanka.  Dhallinyarada soomaaliyeed xorriyadda suuqa ma leeyihiin.? Jawaabtu waa maya. Sababta oo ah nidaam sax ah oo bulshada canshuurteeda xoojin kara sababta oo ah waxa jira nidaamyo kale oo dawlada ka hoos dhisan oo handaad geysta, waana sababta u qaadan karin afkaaro waa weyn oo ganacsiyo hal abuurkiisa weyn yahay loo hir galin karin. ganacsiguna waa furaha kobaca dhaqaale dawladnimadu ku dhisanto, Tani waxay dalalka horumaray u suurta galisay in ganacsigu xor noqdo, tartanka bulshaduna kor u koco. Qabadaha soo badanaya waxa kamid ah soomaaliya xasillooni la’aanta Siyaasadeed iyo Maal-gashiga Dibadda haddii nidaamka siyaasadeed uu deggan yahay waxa soo badanaya maalgashadayaasha shisheeye iyo kuwa maxalliga ahba way ku dhiirranayaan inay maal gashadaan wadnka taasina waxay horseed u noqon kartaa koboc dhaqaale soomaaliya, haddiise la waayo xasillooni dhaqaalahu wuu istaagayaa, sida ka dhacday Soomaaliya muddo dheer goboladeed qaybo kamid ah. 

 

 

·       Xorriyadda Fikirka iyo Halganka Waxgaradka: Maxaa Sababa Bartilmaameedka Aqoonyahanka soomaaliyeed.

 

Bulsho kasta oo soo martay marxalado isbeddel ah, gaar ahaan kuwa ku dhisan fikir iyo horumarin bulsho, waxay la kulantay iska horimaad ka dhashay caadooyin hore oo diidaya isbeddelka. Soomaaliya xorriyadda fikirka iyo aqoonyahanka halgankooda waa arrin marar badan horseedday in la bartilmaameedsado qof kasta oo wax cusub keena, bulshadu mararka qaar waxay u aragtaa qof khatar ku ah dhaqanka iyo nidaamka jira. Maxaa Sababa Iska Horimaadka Waxgaradka iyo Bulshada.? Bulsho kasta oo horumartay waxay ku tallaabsatay in ay aqoonta kobciso, dadkeedana ay u abuurto fursado ay ku fahmaan aragtiyo kala duwan. Taas dhadigeeda Marka bulsho aysan lahayn waxbarasho sare ama fursad ay ku fahanto aragtiyo cusub waxay aad ugu nuglaanaysaa fikirka xiran ee lidka ku ah isbeddelka sidookale Aqoonyahanka wax waxgarad ahi wuxuu keeni karaan aragtiyo ka hor imanaya caadooyinka, taasoo keenaysa in lagu diido iyada oo aan dood cilmi ah lagu salayn diidmada katid bulshada sababta oo ahi dhaqankii hirgalay iyo aragtida cusub ee aqoonyahan isdiidaya taasi waxa lagu kobcin karaa aragtidayda in bulshada laga dhiso xaga wacyiga iyo aragtiyaha. 

 

·       Gunaanud.

Gunaanudkaygu wuxuu noqonayaa sida falsafaddu u tahay furaha isbeddelka bulshada gaar ahaan marka la eego caqabadaha ay qabyaaladda, cadaalad-darrada, iyo fikir xirnaanta bulshada Soomaaliyeed aragtiyaha kala duwan ee falsafadeed—sida akhlaaqda, aqoonsiga, Stoic-ga, iyo xorriyadda fikirka—waxay na tusayaan in bulsho horumari karto marka ay si qoto dheer u fahanto asalka dhibaatooyinkeeda una hesho xal ka baxsan xayndaabka fikirka xiran bulsho kasta oo horumartay waxay soo martay marxalad ay kaga gudubtay fikirro gaboobay oo caqabad ku ahaa horumarkeeda. Soomaaliya haddii ay rabto in ay hore u socoto, waa in ay aqoonsato in falsafaddu tahay mid aan ahayn oo kaliya fikrado sare oo madhalays ah, balse ay tahay awood dhab ah oo wax ka beddeli karta xaqiiqada jirta. Waxa la joogaa waqtigii la furfuri lahaa caqabadaha xannibaya horumarka, si loo dhiso bulsho xor ah, cadaalad ku dhisan, oo aqoon iyo indheergaradnimo hoggaan u yihiin.










Comments