Gorfeenta Buugga looma’ooyan
Buugga looma'ooyan ee uu qoray Faranz Fanon, waa aqoonyahan nafeed baa lagu tilmaami karaa Faanon sidoo kale waa indheergarad caalami ah maadama uu halgamaa gobonimodoon ah iyo fekeraa Argticuriye ah uu ahaa dhalashadiisuna ay ahayd “French-Aaljeeriyaan.”
Fanon, buugiisan waxa uu wax ka odhanayaa dunida saddexaad ee gumaystuhu saameeyey qaabka looga fekero iyo riiqda aan dhammaadka lahayn ee addoonsiga iyo gumayntu keenaan sidokale buuggan mahan taariikh ama sooyaal oo kaliya ee waxa kale laga dheefayaa waaqica bulsheed ee khuseeya dadka madowga ah ee africaanka ah guud ahaan waxa sii khuseeyaa dunida saddexaad waxa ku baraarujinayaa kaalinta ah kacdoonada dulmiddiidka ah iyo mudnaan-tooda keenadiid nimadu ku jirto iyo sarraynteeda iyo halganka iyo sida aan marna fasax looga qaadan quudhsiga ku socoda dadka iyo dalalka soo koraya iyo sida ay ugu xoroobi lahaayeen Buuggani cabdicasiis aw-guudcadde waxa uu kutilmaamay buug HAGE u ah bulshada soomaaliyeed dhankasta uu gummaysigu kaga saameeyay.
Faraanz faanon taariikhdu markay eheed 1961- bishii 1aad sannadka uu dhakhtarka aadi lahaa rajo weyn ayuu noloshiisa ka yeelan lahaa haddii aanu ku mashquulayn qorida buuggiisa Looma'ooyaan, ‘THE WRETCHED OF THE EARTH’ bishii Aktoobar 1961 isaga buugga gudbiyey ayaa isagana loo gudbiyey isbitaalka laakiin dhakhtarku waxa uu arkayey inuusan imnka wax kaqabasho lahayn, sidaa darteedna 1925___1961 ) waxa uu cudurka luukeemiyada u geeriyeeday isga oo hawlo badani qabyo ka yihiin. halkaas wakhtigu kaga ekaa isaga oo meelna ku hubsan xaalada halgankii qadhaadhaa ee Aljeeriya ugu jirtay dhacsashada al jeeriya buuggana wakhtigaas ayuu soo baxay dhaqdhaqaaqii gobonimodoonka ee Aljeeriya uu cirka ku shareernaa waa halkii uu Hadraawi ka yiri;
- Inta qaran dhiskiisiyo
- Dhidibkiisu taagnaa
- Dheeraad nin dooniyo
- Nin ku dhega xaqiisoo
- Dhacsanaayay baa jiray.
"Dhabar"- Hadraawi.
Fanoon waxa uu buuggisa kaga waramayaa sida ay noqdeen dadkii gumaysigu saameeyey ee raadku kuwada reebay sida ay u fekeraan imnka iyo xaaladaha caafimaad ee saameeyey iyo caruurtii burburka ka danbeysay dhashay sida ay wax u sawirtaan, waxa yaabihii Eesha dhaqaale iyo nafeed ee ka dhalatay gummaysiga saameeyey caafimaad xumaddii maskaxeed ee ka dhalatay Faanoon wax aad u falanqeenayaa saameenta maskaxeed isaga argtiyihiisa iyo Aqoontiisa dhimireed adeegsanaya ayuu ku falanqaynayaa buuggiisa cajiibka ah Ee dhana ka ah sooyaalka dunida saddexaad ee gumaystuhu saameeyey sida looga fekero iyo dhawacyadii kala duwanaa ee geystay gumaystuhu.
Tusmada buugga ciwaanka aadka iiga soo jiitay aan is leehayna gumaysiga somaliya ayuu matalaad ku leeyahay waa " Iskusidkanaanta Dhaqanka iyo Ummadeed Iyo Halganka Xornimada." Ciwaanka ayaa ahaa kaan oo Xornimo ka qaadidii gumaysiga ee dabcigeedu ka dhigayey mid si daran u burburisay noloshii dhaqmeed ee dadyawgii ay ku habsatay dafiraaddii waaqica ummadeed, nidaamka shaciyeed ee cusbaa ee nidaamkii gumagsigu soo rogay, Hagrashadii iyo hagardaamayntii gumaystuhu u geystay shacabkii dhaladka ahaa iyo caadooyinkodii, hantidoodii uu kala wareegay iyo sidookale adoonsigii nidaameed ee rag iyo dumarka laga wada simay——waxaas oo dhami waxay ka qaynqaateen in dadka dhaqan ahaan loo goblamiyo.
Sidokale waxa kala duwan Ee uu fanoon buugiisa ku sheegaya habka kala duwan Ee uga falceliyeen La—gumaystuhu shacabweynuhu waxay sii haysteen dhaqanadii soojireenimo iyo caadooyinkii ay dhaqmada u lahaan jireen asalkoodii hore ee Ummadeed, lakiin Fanoon wax ku leeyahay Indheergaradku wuxuu isla markiiba xushmadaysan u qata inuu yeelo dhaqankii gumaystaha isga oo liidaya dhaqankiisii soojireenimo, labdaas falcelineedba waxay ka siman yihiin in at labdooduba yihiin natiijo ka dhalatay isdiidooyinka aan la aqbali karin, la—gumaystuhuna ha noqdo mid ka orda dhaqanka Ummadeed Fanoon waxa ku leeyahay Dhaqan kastaa oo Ummadeed Ee hoos yimaada gacanta gumaysiga waa dhaqan malaggii galay.
Dhakhtarkani aad ayuu u iftiiminayaa gumaysiga iyo hoos dhigidda dadka midabka leh oo idil kama hadlayo oo kaliya fanoon arrinta Aljeeriya oo kaliya ee waxa qallinka ku mudmudayaa dadka midbaka madowga ah leh oo idil ama loo yaqaano qaarada madow waana mid illaa hada ka taagan caalamka iyo meel lastaa oo dunida ah Digdoor faraanz faanon waxa uu kaga sheekaynayaa buuggiisan cabaqado ilaa hadeer aan laga gun—gaadhin waxay u badantahay in wakhti badan ay galinayaan buuggan haggoomiyayaasha siyaasadeed ee ficilka iyo hoggaaminta bulshadeed ra'yiga ku leh welina aysan ka sameen wax iskabadalkan uu guumaystuhu reebay. Aragtida gumaysigu saamaynta uu kula dhex yeelan karo shaqsiyada qofeed iyo mida qaranba oo waxa uu buuggan ii muujiyey in sidda aqoonyahankan nafeedi uu uga hadlayo dhibaatooyinka gumaysiga iyo habka loo daalacan lahaa ka hortaga gumaysiga majirto filayaa haday jirtana ma badana qof sidda uu faraanz uga qayb qaatay halganka uu naf hurnimada u sameeyey cid u samaysay dagaal ka geystay dhinacyo badan oo u baahan in looga guulaysto gumaystaha si-aan xoog ahay lakiin xeelad ah.
Falanqaybta 2aad.
Ku mahasanid hadii halkan ila soogartay qaybta horena fahan guud aad kala timid waxaan iskudayey inaan markale akhriyo buuggan looma’ooyan, markii hore oo ahayd 2022- markale 2025 dib u milicsado markale wax igu dhalatay inaan faallo kor ku xusan aan fahan intaa ka siyaad-san ka bidhaamiyo buuggan iyo qoraagga Faranz Fanon hadii ku hor bidhaamiyo Saamaynta Falsafadeed ee Frantz Fanon waxa uu ka soo jeeday aragtiyo falsafadeed sida Marxism, existentialism, isaga oo si qoto dheer u falanqeeyey saamaynta gumaysigu ku yeesho maskaxda iyo shakhsiyadda dadkii la addoonsaday sida uu ku muujiyey qoraaladiisa iyo Buuggiisa, gumaysigu ma aha oo kaliya nidaam dhaqaale ama siyaasadeed, balse waa hab fikir iyo xakameyn nafsiyeed oo curyaamiya dareenka iyo miyirka qofka la gumaystay. Waxa uu rumaysnaa in gumaysigu uu shakhsiga ka dhigayo mid liidata, is-diidani ku abuuran tahay, oo aakhirka aqbala dulmiga uu la nool yahay. Fanon waxa uu caan ku noqday aragtida ah in kacdoonku aanu ahayn mid siyaasadeed oo kaliya, balse uu leeyahay dhinac nafsiyeed oo qoto dheeleh Xornimadu in ay timaaddo oo keliya marka la iska dulqaado gumaysiga muuqda, balse waxa ay bilaabataa marka qofka la addoonsaday uu si dhab ah u fahmo qiimaha naftiisa, kana baxo “maskaxda la addoonsaday” ee uu gumaysigu ku beeray. Tanina waxay ka dhigan tahay in fanon uu ku sheegay in halganka xornimo uu yahay mid ruuxiyan, nafsi ahaan, iyo bulsho ahaanba lagama maarmaan u ah dib u dhiska shakhsiyadda iyo xornimada dhabta ah.
Dhinaca kale Fanon waxa uu aad u falanqeeyey doorka dhaqanka iyo afka—isaga oo muujiyey in gumaysigu uusan kaliya dadka xukumin, balse uu xitaa xakameeyo luuqadooda, dhaqankooda, iyo sida ay u arkaan naftooda. Sidaa darteed, Fanon waxa uu u arkayay in halganka xornimadu uusan dhammaanayn xilliga uu qofku la xoreeyo dhulka uu ku nool yahay, balse uu sii socdo ilaa uu dib u dhiso aqoonsigiisa iyo qiimihiisa nafsiyeed.
Saamaynta Maskaxeed ee Gumaysiga.
Frantz Fanon waxa uu buuggiisa ku muujiyey in gumaysigu aanu ahayn mid kaliya oo siyaasadeed iyo dhaqaale, balse uu yahay nidaam si nafsiyeed u curyaamiya dadka la addoonsaday. Waxa uu si gaar ah u falanqeeyey “inferiority complex”, taasoo ah dareen hooseyn ay la qabsadaan dadkii la gumaystay, iyaga oo rumaysan in ay ka liitaan gumaystaha. Dareenkan waxa uu ka dhashaa nidaamyo bulsheed iyo waxbarasho oo si tartiib ah ugu qasba qofka la addoonsaday in uu iska diido aqoonsigiisa, una arko dhaqanka gumaystaha mid ka sarreeya, Waxa jira iyadana doodo ka dhasha Dhaqanka iyo Gumaysiga Frantz Fanon waxa uu si qoto dheer u falanqeeyey sida gumaysigu u saameeyo dhaqamada dadkii la addoonsaday, isaga oo tilmaamay in bulshooyinkaas ay u kala baxaan labo qaybood oo ay u kala baxeen “kuwa si buuxda u qaatay dhaqankii gumaystaha iyo kuwa ku adkaystay dhaqankoodii hore.”
Dadka qaata dhaqanka gumaystaha badanaa waxa horseeda cadaadiska nafsiyeed iyo kan bulsheed ee lagu qasbo in ay iska diidaan aqoonsigooda sida buugga ku xusay fanon Waxay aaminaan in la jaanqaadka dhaqanka gumaystaha uu yahay dariiqa keliya ee ay sharaf iyo aqbalaad ku heli karaan. Waxay door bidaan inay ku hadlaan afkii gumaystaha, u na labistaan sida gumaystaha kana fogaadaan wax kasta oo xasuusinaya asal ahaan taariikhooda waxa uu Fanon ku tilmaamay aragtidan kuna macneeyey mid ka dhalatay “maskaxda la addoonsaday” oo ka dhashay dareenka hooseynta ee gumaysigu ku abuuro dadka la dulmay.
Dhanka kale hadii eegno waxa ka yiri fanon dadka ku adkaystay dhaqankoodii hore waxay la kulmaan loollan adag, maadaama gumaysigu si ulakac ah u burburiyo taariikhdooda iyo dhaqankooda, isaga oo doonaya in uu meesha ka saaro aqoonsigooda. Sida Fanon xusay, gumaysigu ma aha oo kaliya in uu xukumo dhulka iyo hantida, balse waxa uu xakameeyaa xasuusta, luuqadda, suugaanta, iyo falsafadda bulshooyinka la gumaystay, si ay u lumiyaan dareenkooda asalnimo dadka dhaqankooda ilaalinaya waxay mararka qaar la kulmaan cadaadis gudaha ah, sababtoo ah bulshadooda ayaa laga yaabaa inay u aragto kuwo dib u dhac ah, halka kuwa la qabsaday dhaqanka gumaystaha ay isku dayaan in ay la jaanqaadaan nidaamka cusub.
Fanon waxa uu ku dooday in xornimadu aysan ku koobnayn kaliya iska tuurista heeryada gumaysiga siyaasadeed, balse ay lagama maarmaan tahay in bulshooyinku dib u dhistaan dhaqankooda, taariikhooda, iyo aqoonsigooda. Waxa uu aaminsanaa dib u soo noolaynta dhaqanka iyo afka hooyo ay muhiim u yihiin in laga baxo saameynta maskaxeed ee gumaysiga hadii argtiyahan ku lifaaqno bulshadeena soomaaliyeed doodan ayaa weli si weyn loogu lafa guraa, maadaama saameynta gumaysiga ay sii muuqato xitaa xilliyada gumaysigii kadib maadam raadkii iyo u shii-xanuunka kululayd ee nagu nacday wakhtigii gumaystihii Talyaaniga iyo ingisriisgu wali ka muuqato jirkeena.
FG: Waxaan halkan uga mahadcelinayaa Cabdicaasiis Guudcadde, oo turjumaaddii buugga Looma Ooyaan si xirfad leh u qabtay. Aqoontiisa, khibraddiisa, iyo dadaalkiisii aan la mahdin karin waxay fududeeyeen in buuggani gaaro akhristayaasha af-Soomaaliga ku hadla, isaga oo xambaarsan baraarujin bulsheed iyo farriin qoto dheer. Waxaan akhristayaasha ku dhiirrigelinayaa in ay buuggan akhriyaan, si ay u fahmaan aragtiyaha iyo xaqiiqooyinka uu leeyahay gumaystuhu.
Comments
Post a Comment