Guurka Gabdhaha Yar Yar: Dhaqan Diineed Mise Xadgudub Bini’aadamnimo?

Guurka gabdhaha yar yar waa mawduuc si weyn uga dhex taagan doodaha diineed, bulshada iyo xuquuqaha aadanaha, Waa arrin ay culimada Islaamka qaarkood si adag u difaacaan halka kuwo kalena u arkaan tacaddi ka dhan ah xuquuqda carruurta. Doodaha arrintan ka dhashay waxay salka ku hayaan faham kala duwan oo laga haysto diinta, dhaqanka, iyo saamaynta uu guurka noocan ahi ku yeesho nolosha gabadha yar ee lagu khasbo ama lagu dhiirrigeliyo guurka iyada oo aanay weli gaarin bislaanshiyaha jidheed iyo maskaxeed. 


Fahamka Taariikhiga Ah iyo Aragtiyaha Culimada


Culimada taageersan guurka gabdhaha yar yar waxay doodahooda ku salaynayaan taariikhda Islaamka, iyaga oo xiganaya xilligii Nabiga (NNKH) iyo taariikho kale oo la mid ah. Waxay ku doodaan in haddii gabadh ay gaarto da’da qaangaadhka xagga jidheed, ay sharciyan la guursan karo, iyada oo aan loo eegayn tirada sannadaha ay jirto Daliishiga ay u cuskadaan waxaa ka mid ah axaadiis iyo taariikho sheegaya in Aayisha (RC) ay guursatay Nabiga iyada oo aad u da’ yar, in kastoo dood badan ka taagan tahay sax ahaanta taariikhaha la xusayo. Dhanka kale culimada ka soo horjeeda waxay arrintan u arkaan fal ka hor imanaya maslaxadda gabadha yar iyaga oo isticmaalaya mabaadi’da guud ee Islaamka ee ilaalinta nafta, caqliga, iyo karaamada bini’aadamka, waxay aaminsan yihiin in guurka gabadh yar oo aan wali qaan-gaarin uu sababayo tacaddi nafsiyeed, jidheed, iyo bulsho ahaaneed iyaga oo farta ku fiiqaya in xilligan casriga ah la joogo waqti ka duwan xilligii hore loona baahan yahay in shareecadu la jaanqaado horumarka iyo xaqqa carruurta yar yar.


Guurka Qasabka ah: Xadgudub Maskaxeed, Jir ahaaneed, iyo Nafsiyeed.


Ma jirto wax marmarsiiyo ah oo sharciyeyn kara in gabadh yar lagu qasbo guur waa dhaqan si toos ah u burburinaya maskaxda, nafta, iyo jirka ganadha, Lama dhihi karo waa “dhaqan bulsho,” maxaa yeelay, dhaqanku waa in uu ilaalinayo sharafta bini’aadamka ma aha in uu burburiyo laguma marmarsiiyoon karo “waa caado,” sababtoo ah caadooyinka xun-xuni waa in la iska suuliyo, si lamid ah sida addoonsiga loo tirtiray ama aan looqaadan karin Sidoo kale ma jirto xaalad dhaqaale ama qoys oo lagu xalaaleyn karo xadgudubka nolosha qof aan weli u diyaarsaneen xaaladaha guurka.  Gabadhaha yar yar ee aan u bisayl ahayn maskax ahaan, dareen ahaan iyo xitaa mid jir ahaaneed oo ay ku qaadi karto culayska guurka. Maskaxdeedu wali waxay ku jirtaa marxalad koboc ah  Gabadha soomaaliyeed waxbarashadeedii waa la hakiyay, riyadeedii nololeed waa la curyaamiyay, xorriyadeedii go’aan baa laga gaadhay. Qof aan weli si buuxda u garwaaqsaneed waxa uu nolosha ka rabo lagama fili karo in uu hoggaan u noqdo qoys ama u sabro culayska nolosha qoyska natiijadu waxay noqotaa cabsi joogto ah, niyad-jab, walwal, iyo mararka qaar naf goysmo samayso.(suicidal thoughts).  Guurka waa doorasho ka tarjumeysa bisayl ama dhammays qofeed oo ah kalsooni iyo rabitaan xor ah. Haddii saddexdan laga qaado gabadha waxa meesha ka baxaya macnaha guurka laftiisa sidaas darteed lama aqbali karo oo lama sharciyeyn karo, lama marmarsiiyoon karo in gabadh yar lagu khasbo guur—waana dhaqan la dagaalankiisu lagama maarmaan u yahay bulshadeenna soomaaliyeed 


Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Ka Dhasha Guurka Gabdhaha Yar Yar


Dhakhaatiirta iyo xeel dheerayaasha caafimaadka waxay ka digeen in gabdhaha aan wali qaangaadhin, gaar ahaan kuwa 8 jirka ah ama ka yar sida qisada baraha bulshada kagu arkay ee laga fal celiyey ninkii 50 jirka ahaa ee loo xoogay gabadha 8 jirka lagu sheegay khataro caafimaad oo halis ah ayey la kulmaan haddii la guursado Waxaa ka mid ah bay dhaan bahda caafimaadku 

1— Dhibaatooyin dhalmada la xiriira: Gabdhaha yar yar laguma talinayo inay uur yeeshaan maadaama miskahooda aanay weli dhammaystirineen Tani waxay sababi kartaa dhimasho ama dhaawac daran inta ay foosha ku jirto waana halka ugu muhiim san in laga dayo arrinkan halista ay waddato.

2—Dhaawacyo xagga xubnaha taranka: Galmada lagu sameeyo gabadh aan weli bislaan waxay keeni kartaa dhaawacyo halis ah sida jeex-jeex xagga minka iyo kaadihaysta ah.

2—Cudurrada dhimirka iyo walbahaarka:

Culeyska maskaxeed ee ka dhasha nolol qoys oo ku timaadda iyada oo aanay diyaarsanayn wuxuu sababi karaa cudurro nafsi ah sida werwer joogto ah, niyad jab, iyo dareen cabsi leh ugu danbeen waali ama maskaxli’i sabab karta.



Aragtiyaha Bulshada iyo Doodaha Kala Duwan


Bulshada Muslimiinta dhexdeeda, dooddan waxay u kala qaybsantay laba dhinac ama labo kooxood: 

1—Kuwa taageersan – Qaar ka mid ah dadkan waxay inta badan ka tirsan yihiin kooxaha waabiyada iyga u badan in ku beeraan bulshada dhaqankan qalafsan una diimeedeeya bulshada, kuwaas oo ku dooda in guurka gabdhaha yar yar uu yahay dhaqan diineed oo la sugay. Waxay aragtidooda ku saleeyaan faham adag oo shareecada ah, iyaga oo aan tixgelinayn xaalladaha isbedelay ee casriga ah iyo dhibaatooyinka ka dhasha


2— Kuwa diidan – Qaybta kale ee bulshada, oo ay ku jiraan culimo, dhaqaatiir, iyo u doodeyaasha xuquuqda aadanaha, waxay qabaan in guurka gabadh yar uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah xuquuqda bini’aadamka waxay ku doodayaan in guurku uu ka tarjumayo diyaar garow nafsiyeed iyo go’aan xor ah, taasoo aysan gabadh yar wali gaari karin guur iyo maskaxa qoys lagu maamulo.


Gunaanad


Guurka gabdhaha yar yar waa arrin leh muran diineed, bulsho, iyo mid xuquuqeed doodaha taageeraya waxay ku salaysan yihiin taariikhda Islaamka iyo faham adag oo shareecada ah halka kuwa ka soo horjeeda ay diiradda saarayaan dhibaatooyinka nafsiyeed, jidheed, iyo bulshada ay gabdhaha yar yar la kulmi karaan sidookale waa arrin si toos ah u taabanaysa maslaxadda bini’aadamka, xuquuqda carruurta, iyo mustaqbalka bulshadeena. Haddii guurku yahay doorasho ka tarjumeysa diyaar garow, kalsooni, iyo rabitaan xor ah, waxa lama huraan ah in la sugo xilliga ay gabadhu si buuxda u gaadho heer ay go’aan ka gaadhi karto nolosheeda. Guurka qasabka ahi waa xadgudub, mana jiro sababo diineed, dhaqan, ama dhaqaale oo sharciyeyn kara tacaddiga lagu hayo carruurta gaar ahaaneed Habalaha yar yar.











Comments