Nolosha iyo Fursaddeeda Qarsoon: Fahamka Falsafadeed ee Waayaha Qadhaadh
Qofka Soomaaliyeed waxa uu maraya waqtiyo adag oo noloshiisa ah: dagaallo, barakac, saboolnimo, caddaalad darro, qabyaalad, musiibooyin dabiici ah, iyo qalalaase siyaasadeed Laakiin marka aynu eegno taariikhda falsafadda bani’aadamka dadka waxaa lagu tijaabiyaa waqtiyada adag gad-gadoonka waayuhu waa imtixaan ka mid ah nolosha waana mid qofka u horseedi karta labadan waddo: inuu burburo ama inuu bislaado. Taariikhda falsafaddu waxay na tusaysaa in waayahani aysan ahayn arrin u gaar ah hal qaran ama bulsho, balse ay yihiin dhacdooyin ku lamaan nolosha aadanaha guud ahaan qof kasta ama bulsho kasta oo taariikhda ku leh raad muuqda waxa uu soo maray marxalado murugo leh, jahawareer leh, burbur, iyo dib-u-dhisla'aan leh. Hase ahaatee waxa kala saara kuwa halganka ku dhammaada iyo kuwa ka bogsada ayaa ah sida ay u fahmaan waayahooda – ama u arkaan khasaare keliya mise waxay u arkaan fursad laga dhex arko macne hoose iyo korriimo sare.
Sidookale qofka soomaaliyeed waxa uu u baahan yahay inuu noloshiisa u akhriyo si falsafadeed taasi macnaheedu ma aha inuu noqdo faylasuuf qalin wata balse in uu yeesho aragti qoto dheer leh uu isku weydiiyo: Waa maxay waxa igu dhacaya? Maxaa laga bartaa xanuunka? Sidee loo noolaadaa iyada oo aan rajadu lumin? Gad-gadoonka waayuhu ma aha kaliya masiibo, balse waxa uu sidoo kale noqon karaa albaabka u furma aragtiyo cusub, biseyl maskaxeed, iyo fahamka dhabta ah ee qofnimada marka dhibka la fahmo ama la baabi’iyo wuxuu noqon karaa iftiin cusub oo nolosha laga dhex helo nabadeed iyo barwaaqdeeda! Sidaas darteed waxaan falan qayn donnaa su’aalahaasi nololeed ee qofka Soomaaliyeed la tacaalayo sidee loo wajaho waayaha adag? Maxaa falsafad ahaan laga baran karaa? Ma jirtaa waddo uu qofku ku gudbo isagoon luminin rajo nololeedkiisa?
• Falsafaddu Waxay Ku Bilaabataa Marka Noloshu Ku Waydiiso: Maxaad Ka Fahantay Xanuunkaaga.
Su’aalaha ugu adag ee noloshu ay soo bandhigto mar walba ma aha kuwa degdeg loo helo jawaabahooda balse waa kuwa qofku ku khasbanaado inuu la noolaado, la gorgortamo, mararka qaarna uu u dulqaato xanuunkooda. Waa maxay waxa igu dhacaya? Maxaa looga jeedaa? Ma aniga ayaa sababay mise waa arrimo iga baxsan? Maxaa laga bartaa xanuunka? Sidee loo noolaadaa iyadoo dhaawacyadu weli cusub yihiin? Sidee loo ilaaliyaa rajo nololeed marka ay noloshu u ekaato mid gabaabsi ah? Su’aalahaasi waxay inagu hoggaaminayaan meel ka baxsan jawaabaha fudud ee la sii diyaariyay waxay inaga rabaan in aynu dib u milicsanno nolosheena, dareenkeena, iyo maskaxdeena. In kasta oo noloshu marmar ka qaad ay noqoto mid qallafsan oo nafta cidhiidhi gelisa, haddana waxa jira meel ay falsafaddu ka dhalato: markaas oo qofku bilaabo inuu ku fakaro sababta waxani u dhacayaan iyo sida uu qofku u fahmi karo dhacdooyinkaa nololeed.
- Xaqiiqadu maxay tahay.?
Dhibtu qofka kuma tusto waxa uu yahay balse waxay ka dhigtaa waxa uu noqon karo qofka oo murugta la seexda haddana subaxdii la toosa hammuun uu u qabo inuu fahmo wax ka weyn isagii hore u ahaa—taasi waa halka falsafaddu ka dhalato Waa diyaarinta gudaha ee qofka oo aqbala in xanuunku yahay macallin, waana isbeddelka u dhexeeya su’aalaha iyo biseylka ka dhasha dulqaadka. Murugada maxay tahay haddii si qoto dheer loogu fiirsado, waxay noqon kartaa marin lagu fahmo murugada dadka kale Waxaa laga yaabaa in xanuunku kugu baro dabciga damiirka, qalbiga iyo naxariista. Waxaa laga yaabaa in burburka aad la kulantay uusan ahayn burbur ku eg kaliya adiga balse uu yahay fursad aad dib ugu aragto dunida oo dhan si kalgacal iyo garasho leh qof kasta oo dib u dhis ku guulaystay ma’aha qof ka baaqday burburka balse waa qof bartay sida burburka loogu dul noolaado iyada oo aan lumin nafta iyo rajo nololeedka, waa halkan halka laga bilaabo xasuusta in noloshu aysan ahayn wax toos loo taaban karo ama la saadaalin karo balse waxa ay noqon kartaa fasir aan dhammaad lahayn oo qofka u baahan inuu la yimaado dulqaad, fikir iyo diyaar garow maskaxeed ma jiro qof la siiyay nolol nadiif ah oo aan lahayn tijaabo. Waxaa jira kaliya laba waji: kuwa xanuunka ku halligma iyo kuwa xanuunka ka helo sirta uu xanuunku ku asturo kobaca nafta iyo nasiinada maskaxda.
Qofka Soomaaliyeed maanta wuxuu jooga meel xasaasi ah oo taariikhdiisa iyo dareenkiisa ay is hayaan. Maanta, su’aasha ma'ahn maxaa dhacay? Laakiin waa maxaan ka fahmi karaa waxa dhacay? Sideen ugu beddeli karaa qoomamo, su’aal iyo biseyl? Sideen u noqon karaa qof dib u eegaya waayaha.? Noloshu waxay mararka qaar u baahantahay inaad su’aalaha la noolaato intaad jawaabaha raadineyso iyo Inaad ku sabarto raadintaas lafteedu waa qaab nololeed halkaas ayaa laga bilaabaa fahamka qotada dheer ee falsafadda nolosha inaanan doonin nolol aan xanuun lahayn balse inaan ka helo xigmadda noloshii xanuunka lahayd ee ku soo martay.
Gunaanad
Nolosha iyo fursaddeeda qarsoon ma aha wax lagu arko indhaha oo keliya balse waa wax laga dhex helo indheergaradka su’aalaha la weydiinayo nafta. Qofka Soomaaliyeed maanta wuxuu la daalaa dhacayaa waayaha ugu adag ee taariikhdiisa balse taas macnaheedu ma aha in uu ku dambeeyo burbur iyo niyad-jab. Sida aynu ka baranay falsafadda nolosha waayaha qadhaadh wuxuu noqon karaa albaab laga galo biseyl maskaxeed, faham qoto dheer, iyo dib-u-dhis naf ahaaneed. Murugadu maaha dhamaadka ee waa billowga su’aalo horseedi kara iftiin cusub xanuunku maaha cadow ee waa macallin qarsoon sidookalena burburku maaha gabagabo ee waa goob laga dhiso naf iyo nolol ka sarreeya tii hore. Marka qofku doorto in uu noloshiisa u akhriyo si falsafadaysan ma aha inuu noqdo faylasuuf buug gacanta ku sita balse waa inuu yeesho aragti dulqaad iyo maskax furan iyo qalbi aan ka baqan murugada Waxa uu bilaabaa inuu u fiirsado xanuunka si su’aalo ah: maxay noloshu i bartay? Maxaan ka noqon karaa marka aan ka gudbo? Taasi waa waddada uu qofku kaga gudbo waayaha qadhaadh isagoo aan luminin rajo, xasillooni iyo kalsoonida nafeed.



Comments
Post a Comment