Haldoor Mise Hal-hays? Qofka codka leh iyo Qofka u qalma codka.
Qarnigan casriga ah codadku ma sugayaan fasax hadalladuna ma galayaan miir Waxaa dhashay adduun uu qof walba mar qura yeelan karo dhegeystayaal badan xitaa haddii uu wado kalmad aan macno lahayn ama muuqaal aan xikmad xambaarsanayn Waxaa meesha ka baxay miisaankii kelmadda, waxaana soo baxay xilli si fudud caan loogu noqon karo laakiin si adag lagu kasbado kalsoonida iyo qaddarinta dhabta ah. Baraha bulshada—kuwa aynu maanta waa kuwa aynu ugu tiirsannahay madadaalo, warar, iyo muujinta dareenkeena—waxay si dhakhso ah isu beddeleen goob dagaal oo cusub dagaal aan lagu loollamin hub, balse lagu loollamo aragti, muuqaal, iyo cod Soomaaliyeed oo horeyba ugu soo daashay dhaawac siyaasadeed, dhaqan-darro iyo jahawareer bulsho, barahaasi waxay u noqdeen min qar iska tuurnimo illaa haldoor been abuur ah Waxaa dhashay jiil hadlaya kahor intuu u fikirin, u sacbinaya kahor intuu u garan, raacaya kahor intuu u qiimeyn.
Baraha bulshadu waxay noqdeen marin ay isugu yimaadaan aqoonyahan iyo qof aan dugsi gelin, hal-abuur iyo hal-xiraalo lahayn caqli iyo waayo-araginimo ku duugneen Sidaas darteed ayaa marka laga hadlayo cidda bulshada u aragto inay mudan tahay in la dhegeysto loo codeeyo ama la daba socdo su’aalaha ugu waaweyn ee maanta la iska weydiinayo ay yihiin: yaa mudan in laga dambeeyo? Yaa caanimada loo xambaariyey? Yaase maskaxdiisa lagu xukumi karaa run iyo rayn.? Soomaalida maanta, waxa ay maraysa meel ay u baahan tahay kala garasho in la fahmo farqiga u dhexeeya caan iyo caqli, muuqaal iyo miisaan, sacab iyo suugaan. Maaddaama baraha bulshada ay noqdeen waddadii codka fikirka iyo hogaaminta cusub su’aashu ma aha oo keliya in la isticmaalo balse waxay tahay sidee loo isticmaalaa? Yaase leh mas’uuliyadda sheegidda runta? Dhib ma aha in baraha bulshada laga helo qosol iyo madadaalo balse dhibtu waxay timaaddaa marka laga waayo garasho iyo go’aan haddii aynaan kala soocin qofka runta ah iyo qofka muuqaalka ah waxa aynu noqon doonnaa bulsho ku codeysa cod dheer balse aan lahayn codsi fog waa halgan aan hub iyo xabbad la wadan balse maskaxda lagu beegsanayo. Waxaan falanqeynayaa doorka baraha bulshada saameynta ay ku yeeshatay maskaxda iyo aragtida bulshada Soomaaliyeed wuxuuna si gaar ah u dul istaagayaa sida ay u beddeleen cidda bulshada u aragto inay mudan tahay in laga dambeeyo warbaahinta ama muuqaal duubista lana dhegeysan karo Sidoo kale waxaan ugu digayaa khatarta ka iman karta in bulshada Soomaaliyeed ay caan ka dhigataan kuwa aan waxbarasho, akhlaaq, iyo aragti dhisan toona lahayn—waxayna noqon karaan halis qaran marka loo eego mustaqbalka faca cusub soo koraya
Barahaa Bulshada: Xoog cusub oo beddeshay hab dhaqameedkii war-isgaarsiinta
Markii hore bulshada Soomaaliyeed waxay ahayd mid si weyn ugu tiirsan haldoorro dhaqameed, culimo, abwaanno, iyo aqoonyahanno siyaasiyiin miir qab leh (Educated people) kuwaas oo si tartiib ah ugu lahaa sumcad bulshada Si qof loo dhagaysto waxay ahayd inuu haysto sumcad, aqoon, iyo taariikh. Maanta waxa muuqda in qodobadaas la ilaaway waxaana talada iyo aragtida dadweynaha ku hoggaamin kara qof leh kaliya taleefan iyo xiriir internet Sidaa darteed baraha bulshada ayaa noqday “mikrofoon aan la koontaroolin” oo qof walba ka dhigo "weriye, aqoonyahan, iyo hogaamiye" Tusaale ahaan marka qof muuqaal iska duubo isaga oo wax ka sheegaya arrin culus sida diinta, siyaasadda, ama dhaqanka, dad badan ayaa ugu sacbiya si dareen ah oo aan isweydiin: “Qofkani xaggee warkiisu ku salaysan yahay Waa maxay aqoontiisa? Ma la hubiyay xogta uu bixinayo?” Maxaa looga doorbidaa muuqaal gaaban oo qosol wata oo laga helay TikTok, halkii laga aqrin lahaa maqaal cilmiyeed hadaba qodobka muhiimka ah ee meesha yaalla waa bulshada Soomaaliyeed waa in ay dib u soo ceshato ixtiraamkii iyo aqoontii fahamka, iyo dadnimada. Waa in caan noqoshada aan lagu salayn muuqaalka iyo muranka, balse lagu salayn aragtida anshax, iyo aqoonta. Dhammaan waxa aan soo sheegay waxay ka tarjumayaan in bulshada Soomaaliyeed la gudboon tahay in ay si miyir leh u eegto cidda ay dhegeysanayso, cidda ay raacayso, warbaahinta la dhagaysan karo iyo cidda ay u aqoonsan tahay haldoor baraha bulshada lama dhaliilayo guud ahaan balse waxaa muhiim ah in si sax ah loo adeegsado Waxaa muhiim ah in aan isweydiinno: Cida aan maanta kor u qaadno berri mana hogaamin kartaa.
Gunaanad
Baraha bulshada waxay furteen albaab uu cod walba ka baxo ama laga maqlo balse waxay xireen albaabkii miisaanka iyo garashada bulshadu maanta waxay u baahan tahay in ay kala saarto iftiinka iyo iftiin-la’aan in la garowsado in cod dheer uusan lamid ahayn codka sugan.Caanimada aan sal lahayni waa sidii dhismo ciid lagu taagay qurux badan balse dumaya marka ay dabayli dhacdo haddaba waa in aynu doorannaa haldoor aqoon, anshax iyo aragti leh, si aan u dhisno bulsho leh jihayn, xushmad, iyo mustaqbal wanaag cidda aan maanta sacabka aan u tumaynaa ha noqoto mid aan berri ku faani karno ama na hogaamin karta.
Comments
Post a Comment