Dhaqanka iyo Hiddaha Raacatada Soomaaliyeed iyo Kan Iminka Jira
Hidda raacatada Soomaaliyeed waa loollan xilli dheerDhaqanka iyo Hiddaha Raacatada Soomaaliyeed iyo Kan Iminka Jira socday oo ku dhex jiray laf-dhabarka dhaqanka iyo maskaxda dadka Soomaaliyeed waana muran qoto dheer oo aan had iyo goor muuqan balse si xasiloon u hirdamaya waxaa laga yaabaa in la yiraahdo “Soomaalidu waxay ka badbaadeen wax badan balse kama badbaadin isfaham la’aanta ka dhex jirta dhaxalkooda iyo dhabaha ay maanta cagta saareen.” Taas micnaheedu waa in dhaqanka iyo falsafadda ay bulshadaasi lahayd ay weli si qarsoon ayey u sugayaan go’aan la’aan ah: Ma la socon doontaa ruuxa casriga ah mise waa la raaci doonaa jihooyinka la isla qaatay ee hore u dhacay? waa waxbadan oo wali sal ay ku fadhiistaan aan lahaynin marka laga hadlayo “hiddo raacatada”, ma ka hadlayno oo kaliya dhaqanka iyo suugaanta balse waxaan ka hadlaynaa sida qofka Soomaaliyeed u arko jiritaanka geerida, sharafta, masiirka, iyo xiriirka uu la leeyahay bulshada, deegaanka, iyo rabbigiisa. Waa nidaam aragtiyeed xambaarsan sooyaal sal u ah su’aalaha nolosha: Maxaan ahay? Halkee ka imid? Maxaan u noolahay? Maxaase i sugaya? Hiddo raacatadu waa falcelintii ay Soomaalidu siiyeen su’aalahan iyaga oo adeegsanaya afka, heesaha, halxidhaaleyaasha, cibaadada, iyo xeerka dhaqanka iyo hidaha. Dhanka kale kan iminka jira — kan aynu si aan kala sooc lahayn ugu yeerno “casriga” — waxa uu sida duufaanta u jaray suurtagalnimadii ay dadku u lahayeen inay si miyir leh ugu noolaadaan dhaqankooda wuxuu keenay taleefoonno caqli badan, macluumaad dux leh iyo been isku sidkan, wuxuu furay irid kasta oo ay horay u xiranayd — balse weli ma uusan bixin su’aalihii asalka ahaa wax kastaa waa la hayaa balse wax la rumaysan yahay waa la waayey dhalinyaradu way og yihiin waxa ka dhacaya arlada waxa u dhexeeya hiddihii raacatada Soomaaliyeed iyo kan iminka jira waxa la moodaa inuu yahay farqi jiilal iyo xilli balse waa farqi falsafadeed hiddaha raacatadu waxay ahayd mid dadka ku hagta qiimaha. xushmad, iyo xidhiidhka ruuxiga ah halka kan iminka jira uu yahay mid ku salaysan waxtar degdeg ah kii hore kaga duwan dhanka iyo akhlaaqda. Waxa la is weydiyaa haddii aan la jaanqaadi kari laheyn dunida maanta ma innagaa seegnay mise innagaa ka tagnay.? Ma dhaqankii ayaa liitay mise kan cusub ayaa madhan? Su’aalahan waxay u baahan yihiin maskax daacad ah si dhab ah u dhiraandhirisa waayo wixii hore u dhacay waxaa ku jiray casharro iyo wixii maanta ina hor yaalna waxaa ku jira caqabad waxa hadal ah laga hayaa mufakar iyo indheergarad Sheekh mustafe harruun: "Ninka aan qiimeynin dariiqii uu ka yimid uma sahlana inuu ogaado halka uu u socdo." Si kastaba ha ahaatee lama dhihi karo hal nidaam ayaa saxan midna waa qalad noloshu waa biyo socda biyo aan istaagin balse su’aasha ugu wayn ee Soomaalidu maanta ay is weydiin lahayd ayaa ah: Ma u ogolaan karnaa dhaqanka cusub inuu naga tirtiro midkii na aas-aasay? Mise ma is waafajin karnaa labadaas dhanqan si aan u dhisno bulsho leh miyir cusub iyo murti hore.
Waxaa laga yaabaa in jiilka maanta jira u baahan yahay aragti cusub in aan la iska hor keenin dhaqanka iyo casriga hada balse loo fiiriyo sidii laba ilbaxnimo oo is dhammaynaya dhaqankii hore wuxuu bixinayaa miisaan iyo qiyam casriguna wuxuu bixinayaa fursad, xawaare, iyo furfurnaan marka labadaas la is waafajiyo waxaa ka dhalan kara bulsho aan weli Soomaali ahayn sida hore balse ah Soomaali cusub — Soomaali miyir leh, Soomaali aqoon leh soomaali aan isku arkin hidde la’aan iyo horumar toona waxaa laga yaabaa in arrintani ay u baahantahay falsafad cusub oo Soomaalida ay iyadu samaysato — mid ka tarjumeysa xanuunka isbedelka murugada ka timaadda kala go’a jiilasha iyo hamiga aan wali shaqaynin ee ah in la helo nolol qiimo leh taasi waa falsafad ka dhalata naxariis iyo aqoon isku dheelitirnaanta oo la yaqaanno cidda la ahayn balse sidoo kale diyaarsan tahay in la fahmo cidda la noqon doono. Marka la eego dhammaan arrimahan waxaa cad in su’aasha dhabtaa aysan ahayn “kee ayaa fiican?” balse ay tahay “sidee ayaa labadooda loo badbaadin karaa?” Hiddaha iyo raacatadu waa sida xididka geedka, casriguna waa laamihii iyo caleemihii la koray qofna uma noolaan karo xidid la’aan, balse xididka kaliya nolosha kama dhigayo mid dhamaystiran sidaas darteed waxaa waajib ah in la helo halbeeg u dhigma baahida ruuxiga ah iyo tan casriga ah. Ugu dambayn waa in la is fahamsiiyo labadan jiho ee kala jiidanaya Soomaalida waxay u baahan tahay in la qoro buug cusub — buug ay Soomaalidu ay iyadu qorto, iyadoo adeegsaneysa halbeegyo hore iyo aragtiyo cusub waana halka laga bilaabi karo dhisidda bulsho cusub oo miyir leh oon weli nafteeda iska luminin balse weli diyaar u ah in ay horay u socoto iyada oo dhabadeeda u furan tahay laakiin aan marnaba hilmaamin halka ay ka timid markaa su’aashu maanta ha noqoto: ma dhisi karnaa soomaalinimo aan eed u noqon waxbarashada casriga ah? Ma heli karnaa horumar aan ku lumin xusuusta? Ma abuuri karnaa nolol ah isu-dheelli-tir suubban oo u dhexeeya wacdaraha bariga iyo dabaysha galbeedka? Jawaabtu waxay ku jirtaa sida aynu u aqoonsano qiimaha labadooda — iyo sida aan u toosino jiilasha soo socda si ay u noqdaan kuwo aan isku dhex luminin su’aalaha la iska weydiinayo.
Comments
Post a Comment