Dhaqanka iyo Hiddaha Raacatada Soomaaliyeed iyo Kan Iminka Jira

Hidda raacatada Soomaaliyeed waa loollan xilli dheerDhaqanka iyo Hiddaha Raacatada Soomaaliyeed iyo Kan Iminka Jira socday oo ku dhex jiray laf-dhabarka dhaqanka iyo maskaxda dadka Soomaaliyeed waana muran qoto dheer oo aan had iyo goor muuqan balse si xasiloon u hirdamaya waxaa laga yaabaa in la yiraahdo “Soomaalidu waxay ka badbaadeen wax badan balse kama badbaadin isfaham la’aanta ka dhex jirta dhaxalkooda iyo dhabaha ay maanta cagta saareen.” Taas micnaheedu waa in dhaqanka iyo falsafadda ay bulshadaasi lahayd ay weli si qarsoon ayey u sugayaan go’aan la’aan ah: Ma la socon doontaa ruuxa casriga ah mise waa la raaci doonaa jihooyinka la isla qaatay ee hore u dhacay? waa waxbadan oo wali sal ay ku fadhiistaan aan lahaynin marka laga hadlayo “hiddo raacatada”, ma ka hadlayno oo kaliya dhaqanka iyo suugaanta balse waxaan ka hadlaynaa sida qofka Soomaaliyeed u arko jiritaanka geerida, sharafta, masiirka, iyo xiriirka uu la leeyahay bulshada, deegaanka, iyo rabbigiisa. Waa nidaam aragtiyeed xambaarsan sooyaal sal u ah su’aalaha nolosha: Maxaan ahay? Halkee ka imid? Maxaan u noolahay? Maxaase i sugaya? Hiddo raacatadu waa falcelintii ay Soomaalidu siiyeen su’aalahan iyaga oo adeegsanaya afka, heesaha, halxidhaaleyaasha, cibaadada, iyo xeerka dhaqanka iyo hidaha.  Dhanka kale kan iminka jira — kan aynu si aan kala sooc lahayn ugu yeerno “casriga” — waxa uu sida duufaanta u jaray suurtagalnimadii ay dadku u lahayeen inay si miyir leh ugu noolaadaan dhaqankooda wuxuu keenay taleefoonno caqli badan, macluumaad dux leh iyo been isku sidkan, wuxuu furay irid kasta oo ay horay u xiranayd — balse weli ma uusan bixin su’aalihii asalka ahaa wax kastaa waa la hayaa balse wax la rumaysan yahay waa la waayey dhalinyaradu way og yihiin waxa ka dhacaya arlada waxa u dhexeeya hiddihii raacatada Soomaaliyeed iyo kan iminka jira waxa la moodaa inuu yahay farqi jiilal iyo xilli balse waa farqi falsafadeed hiddaha raacatadu waxay ahayd mid dadka ku hagta qiimaha. xushmad, iyo xidhiidhka ruuxiga ah halka kan iminka jira uu yahay mid ku salaysan waxtar degdeg ah kii hore kaga duwan dhanka iyo akhlaaqda. Waxa la is weydiyaa haddii aan la jaanqaadi kari laheyn dunida maanta ma innagaa seegnay mise innagaa ka tagnay.? Ma dhaqankii ayaa liitay mise kan cusub ayaa madhan? Su’aalahan waxay u baahan yihiin maskax daacad ah si dhab ah u dhiraandhirisa waayo wixii hore u dhacay waxaa ku jiray casharro iyo wixii maanta ina hor yaalna waxaa ku jira caqabad waxa hadal ah laga hayaa mufakar iyo indheergarad Sheekh mustafe harruun: "Ninka aan qiimeynin dariiqii uu ka yimid uma sahlana inuu ogaado halka uu u socdo." Si kastaba ha ahaatee lama dhihi karo hal nidaam ayaa saxan midna waa qalad noloshu waa biyo socda biyo aan istaagin balse su’aasha ugu wayn ee Soomaalidu maanta ay is weydiin lahayd ayaa ah: Ma u ogolaan karnaa dhaqanka cusub inuu naga tirtiro midkii na aas-aasay? Mise ma is waafajin karnaa labadaas dhanqan si aan u dhisno bulsho leh miyir cusub iyo murti hore.


Nin la weydiiyay “muxuu dhaqan yahay?” ayaa ku jawaabay “dhaqanku waa waxa qofku dareemo markuu wax kale waayo.” Waxaa laga yaabaa in soomaalida casriga ah ay halkaa marayaan waxaana laga yaabaa in dib u milicsigu uu noqdo halbeeg cusub — in aan u jeesano hiddaheena si aan u fahanno nafteena si aan isugu toosno, si aynu u aqoonsano in dhaqanka iyo falsafadda hore aysan ahayd xabsi balse ahayd dariiq ay dadkii hore ku gaadheen degenaanshiyo nafsi ah oo aynu maanta ka haysanno raad mugdi ah. waxa halkaas ka dhalan kara su'aalo waa weyn ay kamid noqon karto Ma jiri karaa mustaqabl aan ahayn kii hore.? Majiraa horumar aan ahayn xasuusihii hore.? Ma jirinkartaa soomaalinaan ahayan soomaalidii hore. 

Waxaan si qoto dheer daaha ugu qaadi doonnaa  isbeddelka aan la dareemin ee ka dhex guuxaya nolosha Soomaalida dagaalka u dhexeeya hiddo-raaca iyo casriga waa loollan aan kaliya ahayn kan dhaqameed balse ah mid nafeed iyo mid aqooneed sidaas darteed waa muhiim in qormadaadu sii gasho mugdi kale oo ka dhex guuxa isdiiddanaantaas — muranka aan la hadlin ee u dhexeeya cidii rabta inay ilowdo iyo cidii ku adkaysaneysa in la xasuusto waxaa la dareemayaa in jiilasha cusub aysan laheyn xusuus toosan oo ay dib ugu noqon karaan — dhaqankii iyo hidihii lagu soo koray wuxuu isu rogay wax la yaab leh oo dadku ay ka hadlaan marka ay dareemaan lumid ama cidlo cilmiga casriga ah warbaahinta furan iyo teknolojiyadda xoogan waxay baddaleen habkii aqoon lagu ururin jiray lagu xeerin jiray dadnimo, laguna tixgelin jiray waayeelnimo dhalinyaradu waxay barteen in jawaabaha la heli karo — balse su’aalaha ma garanayaan taasi waa farqiga u dhexeeya dhaqankii hore iyo midka hadda: kii hore wuxuu ku saabsan yahay raad-raac, kii hadda wuxuu u egyahay raad-la’aan la sharaxay nolosha Soomaalidu waxay u dhex taal laba dariiq: mid waayo-aragnimo lagu dhisay iyo mid riyo iyo rafaad isku sidkan lagu la cararay qofka Soomaaliyeed maanta wuxuu la daalaa dhacayaa sidii uu u noqon lahaa qof isku dheeli tiran: isagoo ku dhex nool qiyamka beertiisa. Haddaba waxaa halkan ka ifaya su’aal kale oo la xiriirta maskaxda Soomaaliyeed: haddii aan aqbalo dhaqanka cusub ma diidayaa nafteenna? Haddii aan ku dheganaado dhaqankii hore ma seegayaa fursadaha nololeed ee maanta? taasi waa is-miidaamin falsafadeed oo qof walba si qarsoodi ah uu u dhex joogo ma jiro xal fudud waayo dhaqanka ma aha dhar la beddelo — waa waayo-aragnimo la qaato isla markaana casriguna ma aha cadaab la iska fogeeyo — waa waaqica aynu ku noolnahay. Marka laga hadlayo muranka u dhexeeya labadan nidaam ee falsafadeed waa in la ogaadaa in dhaqanku aanu ahayn wax dhintay oo la xasuusto keliya haddii dhaqanku uu ahaa hees, waa in la qaadaa haddii uu ahaa duco waa in la tukadaa; haddii uu ahaa dood waa in la furfuraa — balse waligeed ma noqon karto wax la xidhxidha oo la dhigto madxaf.

Waxaa laga yaabaa in jiilka maanta jira u baahan yahay aragti cusub in aan la iska hor keenin dhaqanka iyo casriga hada balse loo fiiriyo sidii laba ilbaxnimo oo is dhammaynaya dhaqankii hore wuxuu bixinayaa miisaan iyo qiyam casriguna wuxuu bixinayaa fursad, xawaare, iyo furfurnaan marka labadaas la is waafajiyo waxaa ka dhalan kara bulsho aan weli Soomaali ahayn sida hore balse ah Soomaali cusub — Soomaali miyir leh, Soomaali aqoon leh soomaali aan isku arkin hidde la’aan iyo horumar toona waxaa laga yaabaa in arrintani ay u baahantahay falsafad cusub oo Soomaalida ay iyadu samaysato — mid ka tarjumeysa xanuunka isbedelka murugada ka timaadda kala go’a jiilasha iyo hamiga aan wali shaqaynin ee ah in la helo nolol qiimo leh taasi waa falsafad ka dhalata naxariis iyo aqoon isku dheelitirnaanta oo la yaqaanno cidda la ahayn balse sidoo kale diyaarsan tahay in la fahmo cidda la noqon doono. Marka la eego dhammaan arrimahan waxaa cad in su’aasha dhabtaa aysan ahayn “kee ayaa fiican?” balse ay tahay “sidee ayaa labadooda loo badbaadin karaa?” Hiddaha iyo raacatadu waa sida xididka geedka, casriguna waa laamihii iyo caleemihii la koray qofna uma noolaan karo xidid la’aan, balse xididka kaliya nolosha kama dhigayo mid dhamaystiran sidaas darteed waxaa waajib ah in la helo halbeeg u dhigma baahida ruuxiga ah iyo tan casriga ah. Ugu dambayn waa  in la is fahamsiiyo labadan jiho ee kala jiidanaya Soomaalida waxay u baahan tahay in la qoro buug cusub — buug ay Soomaalidu ay iyadu qorto, iyadoo adeegsaneysa halbeegyo hore iyo aragtiyo cusub waana halka laga bilaabi karo dhisidda bulsho cusub oo miyir leh oon weli nafteeda iska luminin balse weli diyaar u ah in ay horay u socoto iyada oo dhabadeeda u furan tahay laakiin aan marnaba hilmaamin halka ay ka timid markaa su’aashu maanta ha noqoto: ma dhisi karnaa soomaalinimo aan eed u noqon waxbarashada casriga ah? Ma heli karnaa horumar aan ku lumin xusuusta? Ma abuuri karnaa nolol ah isu-dheelli-tir suubban oo u dhexeeya wacdaraha bariga iyo dabaysha galbeedka? Jawaabtu waxay ku jirtaa sida aynu u aqoonsano qiimaha labadooda — iyo sida aan u toosino jiilasha soo socda si ay u noqdaan kuwo aan isku dhex luminin su’aalaha la iska weydiinayo. 










Comments