Haweenka iyo Hal-abuurka: Codka Dumarka
Hal-abuurku waa dareen qarsoon oo ruuxda ka gubta haddana cod u yeesha bulsho dhan waa il-baxnimo afku wato waana summadda ugu weyn uu qarniyo badanaana ka hadlaya dhaqanka, dareenka, iyo damiirka dad Soomaaliyeed laakiin marka la eego doorarka hal-abuurka gaar ahaan suugaanta waxa marag madoon ah in codka dumarku yahay heegada sare hal abuurka inkasta oo uu hodan yahay — uu inta badan ka dhex baxo codadkii la maqalayey lagana dareemi jiray duudsi iyo gabood-falka dhanka bulshada iyo taariikhda waxaan si qoto dheer ugu hadlaya qoraalkan sida haweenka soomaaliyeed ay qayb aan la dafiri karin uga qaateen hal-abuurka iyada oo codkooda mararka qaar noqday mid rajo xambaarsan oo haddana murugo miir leh iyada oo darreenkaasi uu la xidhiidho dhibaatooyinka iyo culeysyada nolaleed ee ka dumarnimada saaran. Haweeneyda Soomaaliyeed laga soo bilaabo geeraarka dhaqan-dhawrka ah ilaa suugaanta casriga waxa ay tahay laf-dhabarta dareenka leh soomaalida Inkasta oo aanay si weyn u helin madal ama cod u dhigma tii ragga haddana hal-abuurkooda wuu neefsanayey — marna afka dumarka kale ayuu ku noolaa marna afka abwaan rag ah oo dareensanaa cabashada haweenka marna wuxuu ugu muuqday qiiro iyo qarxin gudaha ka imanaysa oo xeerinaysa murugada iyo rajada ay la daba-taagan yihiin.
Abwaankii weynaaa hadraawi murugada iyo maldahanaanta codka bani’aadamka wuxuu haweenka ku sifeeyey in ay yihiin “qalinka runta.” Wuxuu yidhi: “Haweenku waa dhirta dhulka waa dheellitirka dareenka Waa codka aan qalinka ku qori karin balse qalbiga ku gubanaya.” Hadraawi codka dumarka wuxuu u arkayey in uu yahay cod u baahan in la maqlo la akhriyo, lana daba-galo oo saanqaad loo noqodo, qoraalladiisa gaar ahaan gabaygiisa “Siinley”, wuxuu dumarka siiyay cod siyaasadeed, bulsheed iyo falsafadeed oo aan ka jirin suugaanta kale wuxuu u arkaa dumarka in ay yihiin kuwa caddaaladda xambaaran ee haddana loo diiday in ay qayb ka noqdaan miisaanka nolosha. Sidookale abwaan Sangub oo ahaa codka kale ee geerida iyo go’aanka wuxuu si aad ah u tabinayey dareenka haweenka ee lumay gabayadiisa qaar wuxuu si toos ah u tilmaamay sida dumarka ay u yihiin kuwa ku jira xaalad nololeed oo la iloobay hal-ku-dhigyo badan oo suugaantiisa ku jira waxay abbaarayeen haweeneyda sida ay u tahay mid mid karti badan hadana laga curyaamiyey curinta iyo hal abuurka. Ugu danbeyntii cod karkii weynaa ee Gaarriye, abwaankii falsafadda iyo dareenka wuxuu si gaar ah u adeegsaday hab-dhaqan suugaaneed oo ku salaysan “Hadal iyo Hilow.” Gabaygiisa “Hagarlaawe” iyo gabayada kale ee ku saabsan xorriyadda iyo jidhka haweeneyda wuxuu ku tusaalaynayaa in uu u arkayey haweeneyda in ay tahay astaan la halgamaysa dulmiga loo geystay gardhiganysa eexlaaanta lagu harqiyey balse wali leh cod maskaxda gilgilaya waxaa kamid ahaa erayadiisa:
“Waa hooyadii hibada
Waa hilaacii iftiinka
Waa hadalkii aan la dhugan
Ee hadh-go’an loo tiriyey.”
Dumarka Soomaaliyeed ee hal-abuurka leh waxay noqdeen codka kale ee bulshada — cod aan la siinin minbar balse helay meel uu kaga hadlo nolosha waxaa jiray haween aan magacooda si buuxda la qorin balse taariikhda dareenkeeda ku duugan Suugaantii hooyada reer miyiga ahayd ee hilinka xoolaha ku gabaysa waa tusaale gabaygii gabadha la gubay ee geeraar ahaan u cabbiraysay cadaalad-darro iyo baahida wuxuu noqday astaan sidoo kale heesihii codadka dumarka ee daboolka ugu jiray heesaha qaranimada ama heesaha jaceylka waxay ahaayeen kuwo rajo xambaarsan haddana murugo dhex wadata. Marka la eego falsafadda guud ee hal-abuurka waxaa muuqata in haweeneyda Soomaaliyeed ay tahay xasuus socota — xasuus aan la dhayalsan karin hal-abuurkeeda ma aha mid kaliya tilmaamaya jaceyl iyo qoys ee waa mid muujinaya burburka bulsho sida dulmiga, han iyo himilo heego sare ka muuqda, wacyi iyo wadaniyad, af iyo dhaqan suubbanan waa suugaan afka u ah wixii la qariyey oo idil waa codka kale ee maskaxda Soomaaliyeed ka turjumayey codkii kale ee damiirka — codka aan la maqline balse aan lala seexan karin. Hal-abuurka Soomaaliyeed kuma dhisna hal dhinac oo kaliya waa dhaxal galbeed iyo gees bari waa cod haween iyo cod rageed balse marka la eego muuqaalka taariikheed ee suugaanta waxaa la dareemi karaa in codka haweeneyda uu u baahan yahay in la soo celiyo in la xasuusto in la akhriyo — si uu u gaadho halkii uu mudnaa codka dumarku waa codka mustaqbalka waa cod aan maanta kaliya la maqleynin balse berri laga noqon doono cashar hal-abuurkooda inkasta oo ay ka mid yihiin kuwa ugu miisaanka culus ee suugaanta hodanka ah haddana waxa lagu arkayaa raadadka murugada iyo rajada is-dhexgalay halkaas ayay falsafadda suugaaneed ee haweenka Soomaaliyeed kaga dhalanaysaa meel aan ahayn kaliya buug ama barnaamij lakiin ay tahay xasuusta ummadeed ee jirta.
Comments
Post a Comment