Hal-abuurka Soomaaliyeed: Bogsiin aan dugsiyada lagu baran.
Nolosha bini’aadamka waxay la mid tahay biyo socda oo mar walba leh dhagxaan iyo harooyin meelaha qaarna ay ku salgaan laamo dhintay iyo geedo rafaadsan laakiin mar walba waxaa jiri doona ubax kasoo baxa dilaaca dhagaxa iyo iftiin kasoo baxa mugdiga iyo hal-abuur kasoo baxa qalbi dhaawacmay. Hal-abuurku marka si qoto dheer loogu fiirsado waa nidaam dabiici ah oo nafsiyeedka bini’aadamka uu ku samata baxo – waa feejignaanta ruuxa marka ay dhacaan burburka ama dhaawaca waa cod aan lahayn af balse leh tiiraanyo, rajo, iyo riyo dareen leh. Dadka Soomaaliyeed in kasta oo ay soo mareen burbur siyaasadeed dagaallo sokeeye iyo abaarihiisi iyo barakac aan dhammaad lahayn haddana hal-abuurkooda ma dhammaan hal-abuurka Soomaaliyeed waa sida il biyo ah oo ku jirta dhul qalalan – mar walba way jirtaa mararka qaarna si lama filaan ah ayay u soo burqataa waxaa la oran karaa hal-abuurka Soomaaliyeed waa qalbiga qarsoon ee bulshada – waxa lagu cabbiraa dhawaqa dhaawaca ah oo laabta la gubtay iyo niyadda doonaysa in aysan dhimmanin
Markaan eegno suugaanta Soomaaliyeed – gabayada, heesaha, masrixiyadaha, iyo murtida maalinlaha ah ee dadka caadiga ah waxaa inoo cadaanaysa in hal-abuurka Soomaaliyeed aanu ahayn madadaalo keliya balse uu yahay dariiq nafsiyeed oo lagaga gudbo xanuunka laguna abuuro isfaham bulsho iyo naf jacayl gabayada laga tiriyo geerida, heesaha ka hadla jacaylka kala go’ay iyo sawirrada farshaxan ee ka tarjumaya dareen tahli waayay dhammaantood waa muraayado nafaha dillaacsan ay isku eegaan si ay u arkaan in aysan keligood ahayn in xanuunka la wadaago uu xanuunka dad badan ka midaysan yihiin qof kastaa. Qofka Soomaaliyeed marka uu tiriyo gabay maaha oo keliya in uu doonayo in la maqlo ee wuxuu rabaa in uu dareenkiisa u rogo cod ay nafaha kale maqlaan wuxuu rabaa in uu murugada isu rogo luuq ay dad kale ku bogsadaan tani waa falsafadda nafsiyeed inkastoo aan si rasmi ah loogu baran dugsiyada cilmi-nafsiga haddana waa cilmiga dadku ay si dabiici ah u barten hal-abuurku waa la tixgalin karaa sida daawo dadku isku daaweeyo iyagoo aan u baahnayn farmashiye ama dhaqtar cilmi kale xambaarsan.
Waxaa la arkaa in hal-abuurka Soomaaliyeed uu qaab dhismeed nafsiyeed leeyahay marka qofka la kulmo murugo xanuun ama guuldarro inta uusan isdilayn ama ka tagin bulshada wuxuu galaa xaalad uu la hadlo naftiisa wuxuuna u adeegsadaa hal-abuur si uu u helo micne cusub Waxaa laga yaabaa in geerida qof jecel uu ka tiriyo gabay gabaygana uu noqdo mid ay dad kale la dhacsan yihiin – balse sida dhabta ah gabaygaas wuxuu ahaa baaq nafsiyeed uu naftiisa u dirayay sidii uu u heli lahaa sabir ama u xanuunsan lahaa si sharaf leh dareenkii ku jiray uu iska soo saray qofku marka uu arko qof la dareen ah wuxuu darreemaa nafisaad iyo caafimaad nafsi ah. Hal-abuurka noocan ah waxaa laga yaabaa in uu ka yimaado meel qadhaadh balse wuxuu u beddelaa qadhaadhkaas midho macaan tusaale ahaan marka abwaanka Soomaaliyeed uu ka hadlayo dhul barakac ah oo ay caruurtii jiifaan dhaxan iyo gaajo laakiin uu hadana u sawiro mustaqbal ifaya wuxuu abuurayaa is-yaqaan bulsho oo aan u baahnayn qalniin lakiin si cilmi-nafsi oo hab nafsiyeed uu qofku isku tiirsanayo isagoo tiirinaya kuwa kalena baxnaaniya ama bananka soo dhigaya boogahooda sidookale waxa kaloo mudan in la xuso sida hal-abuurka Soomaaliyeed uu u leeyahay awood wacyigelin iyo samata-bixin maskaxeed xaalad kasta oo adag bulshada waxay leedahay hab ay u turjuntaan xaaladdaas si ay u sii noolaadaan dadka qaar waxay xaaladda u beddelaan kaftan kuwa kalena waxay u rogaan masrixiyad ama majaajilo muuqaal ah laakiin marka loo eego si qoto dheer dhammaan hal-abuurkaas waa nidaam nafsiyeed oo lagu badbaadinayo dareenka qofka iyo jiritaanka bulshada bulsho kasta oo aan lahayn hal-abuur – waa bulsho aan lahayn difaac nafsiyeed oo dhab ah waxaa xusid mudan in dhaqanka Soomaaliyeed ee suugaanta iyo hal-abuurka uu yahay mid ku saleysan gudbin dareen la wadaagid murugo iyo dardaaran ruuxeed markaad maqasho hees Soomaaliyeed oo lagu qaaday cod murugo leh waxa laga yaabaa inaad dareento silsilad qalbigaaga si tartiib ah u furfuraysa xitaa haddii aadan aqoon luuqadda tani waa sababta hal-abuurku uu u leeyahay awood dhaafsiisan hadal – waa dareen la dhaxalwareegay waana xasuus lagu tababbaray nafsiyadda qofka soomaaliyeed
Qofka soomaaliga ah ee dhallinyarada ah marka uu bilaabo inuu curiyo suugaan ama sameeyo sawir badanaa looma arko in uu nafsi ahaan daawanayo balse waxaa laga yaabaa inuu si qoto dheer ugu guda jiro samata-bixin nafsiyeed wuxuu sawirayaa meel uu jeclaan lahaa in uu noolaado, ama uu sameynayaa muusig ka turjumaya codka naftiisa oo aan la maqlin dhaqdhaqaaqyada noocan ah waa falsafado aan la baran wali balse ay la nool yihiin waa dareenno laga helay qarniyo nolol adag lagu jiray kuwaas oo dadka Soomaaliyeed ka dhigay dad ku nool halgan balse aan u dhimman niyad jab. Waxa aynu ku laaban karnaa aragtida falsafadeed ee sheegaysa in hal-abuurku yahay hab uu bini’aadamku u raadiyo micne marka ay noloshu noqoto mid aan micne lahayn: Viktor Frankl, oo ahaa dhakhtar cilmi-nafsi iyo maxbuus ka badbaaday xasuuqii Nazi-ga wuxuu lahaa fikir ah in “micnuhu” uu yahay waxa kaliya ee qofka badbaadin kara xataa marka uu waayo wax kasta la hilaadin waayey Bulshada Soomaaliyeed waxay micnahaas u raadisay si hal-abuur ah – iyagoo gabay ku xambaarsanaya geerida ama majaajilo ku gacan saaraya murugada hal-abuurkooda wuxuu ahaa qaab nololeed iyo mid nafsiyeed sidaas darteedna wuxuu noqday dariiq ay ku badbaadaan nafahooda nafsiyanka u jabay. Ugu dambayn hal-abuurka Soomaaliyeed ma aha oo keliya dhaxal dhaqan ee waa qalab nafsiyeed waa hab falsafadeed oo lagu ilaalinayo dareenka, qiyamka iyo rajada qofnimo waa buundada u dhaxaysa burburka iyo bogsashada mugdiga iyo micnaha, geerida iyo nolosha. Hal-abuurka ma badbaadiyo keliya bulshada wuxuu sidoo kale badbaadiyaa qofka wuxuu noqdaa cod uu naftaada kula hadasho marka uu caalamku aamuso waana sababta maqnaanshaha hal-abuurka loogu tirin karo jirro bulsheed hal-abuur la’aantu waa xanuun hal-abuurka laftiisuna waa daawo aan dhadhan lahayn balse natiijo leh sidaas darteed samata-bixinta nafsiyeed ee hal-abuurku waa wax aan ka baaqan karin qof iyo bulsho kasta oo doonaysa in ay jiritaanka micno u hesho hal-abuurku waa nafta oo is-samayneysa mar kale oo baxnaanin ah.
Comments
Post a Comment