Gorfeenta buugga Don’t Believe Everything You Think
Marka la gaaro heerkaas wacyiga ah sida uu Nguyen u sharraxayo waxa uu leeyahau waxa dhalanaysa xorriyad nafsi ah oo aan lagu iibsan karin lacag iyo awood midna. Waa xorriyadda qofka og in walbahaarka, cabsida, iyo murugada aysan ka iman dhacdooyinka balse ay ka imanayaan tarjumaadda uu maskaxdiisu bixiso haddii tarjumaadda la beddelo xanuunka wuu yaraanayaa haddii fikirka la fahmona waxa uu leeyahay nafis baa imanaya. Buuggu ma aha mid kaliya ku saabsan fikir waa mid ku saabsan jiritaanka bini’aadamka laftiisa wuxuu isweydiinayaa su’aal qadiimi ah oo falsafaddu had iyo jeer ay weydiiso qof kastaa. Ma fikirka aan qabo mise waa kan garanaya inuu fikir leeyahay? Su’aashan waxay akhristaha gelisaa meel uu si dhab ah ugu fiiriyo naftiisa, meel uu ka fahmo in fikirka joogtada ah uu yahay isha ugu weyn ee walbahaarka iyo murugada halka aamusaanta gudaha ay tahay albaabka nabadda. Joseph wuxuu si fudud u tilmaamayaa jid adag wuxuu ku baraa in farxadda dhabta ahi aysan ka imaan doonista in wax walba hagaagaan balse ay ka imaanayso aqbalka iyo fahamka waxa jira marka aad joojiso dagaalka aad la waddo fikirkaaga, waxaad bilaabaysaa inaad aragto nolosha sida ay tahay, ee aan ahayn sida aad rabto inay noqoto. Qofka baranaya in uusan fikirkiisa rumaysan wuxuu helayaa xorriyad, degganaansho, iyo kalsooni nafsiyadeed wuxuuna ka baxayaa silsiladda nafsiga ah ee uu naftiisa ku xiray.
Marka aan aragti ahaan buuggan ku eego indho Soomaaliyeed buuggan wuxuu u yeelan karaa qiime gaar ah bulshadeenna waxay soo martay bulshada soomaaliyeed dhaawacyo nafsi ah, dagaallo, cabsi, iyo rajooyin si u il duufan. Dad badan waxay ku nool yihiin fikirro xanuun badan oo ay rumaysteen sida “waan khasaaray,” “noloshu waa cadaalad darro,” ama “waan ku xayiranahay duruufaha.” xorriyad fikri ah ma haysto" dalkaygu maddax iyo odayaal dhaqn baa sidan ka dhigay." Fikrarradahaas ayaa noqday xadhig aan la arki karin oo dadka u diida in ay horay u socdaan. Buugga Joseph wuxuu inoo barayaa in xadhiggaas aanu jirin ee uu yahay hal-abuurka fikirkeenna marka si aan u baranno inaan fikirkaas daawanno annagoo aan rumaysan waxaan bilaabaynaa bogsiin — bogsiinta qofka, qoyska, iyo bulshada.sidee. Buuggan wuxuu noqon karaa iftiin yididiilo u ah bulshada soomaaliyeed oo ku tusaya in xalalka noloshu aysan had iyo jeer ka imaan dibadda balse ay ku jiraan gudaha maskaxda lafteeda. Isbeddel kasta oo bulsho wuxuu ka bilaabmaa qofka, qofkaasna wuxuu isbeddel dhab ah samayn karaa marka uu barto inuu naftiisa uu fahmo. Taasi waa fariinta ugu qotada dheer ee uu Joseph Nguyen xambaarsan yahay in —xorriyaddu aysan ahayn in aad beddesho adduunka balse ay tahay in aad barato sida aad uga xoroobi karto fikirka xaddidaya aragtidaada.
Marka la eego suugaantiisa, Joseph Nguyen wuxuu isu muujinayaa sidii falsafi yaqaan casri ah oo isku daraya cilmi-nafsi, ruuxiyad, iyo faham bini’aadamnimo qoraalkiisu waa mid deggan, diirran oo naflaha la hadlaya ma ahan buug akhris lagu bogan karo waa buug la noolaanshiyo leh waxaan ku tilmaamaya jidka ugu wanaagsan ee loo badeli karo aragtida fikriga ah . adigaagan akhrisanaya qoraalkaygan soo koobid ah waxan kaa codsanayaa in aad aragto gudaha fikirkaagan in uu daciif yahay maxaa yeelay halkaas ayey ku jirtaa runta uu qof walba raadinayo in buugga laga dhex arko. Buugga don’t believe everything you think waa xusuusin in maskaxdu ay tahay saaxiibkaaga kugu dhow balse saaxiib laga fiican yahay marka la fahmo ay tahay waa fariin in qofku uusan noqon maxbuus fikirkiisa balse uu noqdo daawadeha maskaxdiisa in uu ku noolaado hadda halkii uu ku wareeri lahaa fikirradii shalay iyo berri waa buug aan kaliya waa daawo ruuxi ah oo haddii si dhab ah loo qaato nololshaada ku noqon karta furaha xorriyadda ee bulsho walba ay u baahan tahay.
Comments
Post a Comment