Falanqaynta buugga From zero to Millionaire.

Waxaan falanqaynayaa buugga From Zero to Millionaire oo ka hadlaya sida hantidu uga bilaabato samir, anshax, iyo faham, kana fog xeelado adag iyo degdeg, isagoo iftiiminaya jid sahlan oo qof walba raaci karo. dunta dahabiga ah ee uu Nicolas Bérubé ku xidhay garaadka akhristaha iyo dunida maalka waxay ka bilaabataa goob ka fog sawaxanka suuqyada iyo qorshayaasha qalafsan, iyadoo na dhex dhigaysa jawi ka turjumaya deganaanta nafsiga ah iyo falsafadda samirka dhabta ah. Buuggani ma aha oo kaliya hage loogu talagalay maalgashiga, eewaa bayaan indheer-garadnimo oo ina tusaya in dhismaha hantidu uu ka bilaabmo gudaha qofka, isagoo ka dhigaya mishiinka ugu weyn ee guusha "an-shaxa dabeecadda" halkii uu ka noqon lahaa "xisaabta maskaxda." marka aad dhex muquurato bogaggiisa, waxaad dareemaysaa in qoraagu uu duminayo dhalanteedkii ahaa in taajirnimadu tahay derbi adag oo loo baahan yahay xoog iyo xeelad qarsoon si loo dhex maro, isagoo taa beddelkeeda ina tusaya jid hufan oo qof kasta u furan, kaas oo ku dhisan in waqtigu uu yahay saaxiibka ugu aamin weyn ee bini-aadamka. Wuxuu si farshaxanimo leh u sharraxayaa in maalku uusan ahayn orod gaaban oo neef madow lagu gaadho, balse uu yahay socod dheer oo loogu talagalay qofka garanaya qiimaha degganaanta iyo sida looga guuleysto cabsida iyo hamuunta aan xadka lahayn ee inta badan majara-habaabisa hammiga dadka.

Nuxurka buuggan waxa uu ku biyo-shubanayaa falsafadda ah in "wax yar oo joogto ah" ay ka awood badan yihiin "wax badan oo aan jid lahayn," isagoo adeegsanaya tusaalooyin nolosha ka mid ah oo ina baraya in hantida dhabta ahi ay tahay mid si dabiici ah u koraysa iyadoo aan laga dareemin cadaadis iyo welwel. Bérubé waxa uu naga hor leexinayaa jid-gooyooyinka nafsiga ah ee inaga dhiga kuwo had iyo jeer raba inay suuqa iyo noloshabe ka helaan natiijo degdeg ah, wuxuuna inoo soo bandhigayaa in xorriyadda maaliyadeed ay ku jirto "fadhiga iyo sugidda" halkii laga filayay dhaqdhaqaaqa badan ee bilaa macnaha ah. Isagoo adeegsanaya af-hodan ah iyo qaab dhismeed qoraaleed oo isku xidhan, wuxuu inoo sawirayaa in maalgashigu uu yahay sidii beer la abuuray oo kale; uma baahna in maalin walba dhulka laga soo qodo si loo eego in xididdo baxeen,  sidookale waxay u baahan tahay oo kaliya in loo daayo inay si tartiib ah u korto. Wax kasta oo buuggan ku qoran waxay u adeegayaan hal ujeedo oo ah in qofka laga xoreeyo silsiladaha aqoon-darrada maaliyadeed, loona hibeeyo awoodda ah inuu noqdo milkiilaha mustaqbalkiisa isagoo adeegsanaya xikmad ka gun-dheer xisaabaadka bangiyada, taas oo ah in taajirnimadu ay tahay midho ka dhasha samirka, aqoonta, iyo waqtiga oo la isku kabay.

Nicolas Bérubé wuxuu inoo sawirayaa in dhismaha maalku uusan ahayn fal-gal ku dhaca suuqyada caalamka, lakiin uu yahay natiijo ka dhasha rabaayadaynta nafta iyo xakamaynta hamuunta degdegga ah. Isagoo adeegsanaya falsafadda ah "ka-gaabinta barakeysan," wuxuu duminayaa caqabadda hortaagan barwaaqada, taas oo ah dhalanteedka ah in hantidu u baahan tahay xeelado qarsoon ama maskax ka sarraysa tan aadamaha caadiga ah. Nuxurka guusha ee buuggan ku dhex jiraa waa mid ku fidsan muddada dheer; halkaas oo samirku u beddelmo mishiin tamartiisu tahay waqtiga, soona saara hanti aan welwel iyo mashaqo lagu dhisin. Wuxuu si xeel-dheer u falanqaynayaa in qofka milyaneerka ahi uusan ahayn kan ugu hantida badan maanta, ee uu yahay kan ugu anshaxa adag marka uu wajahayo isbedbedelka nolosha iyo dhaqaalaha. Farshaxanka uu qoraagu u adeegsaday inuu Eber kaga dhigo Milyaneer, waa mid ku dhisay garaadka iyo garashada ah in maalgashigu yahay beer la abuuray oo u baahan kaliya in la daayo si ay si dabiici ah ugu korto hooska samirka iyo aqoonta dhabta ah.

Sheekadu waxay ka bilaabataa faham fudud oo si tartiib ah u qoto dheeraanaya: hantidu ma aha wax lagu ordo oo degdeg lagu gaaro, balse waa safar u baahan dulqaad iyo degganaansho. Nicolas Bérubé wuxuu akhristaha ku hoggaaminayaa jid aamusan oo ka fog buuqa suuqa, halkaas oo guushu aysan ku xirnayn caqli xisaabeed oo adag, ee ay ku tiirsan tahay awoodda qofku u leeyahay inuu xakameeyo naftiisa. Marka xaaladuhu is beddelaan, qofka guuleysta waa kan aan ku degdegin go’aan, ee suga, fahma, oo aammina waqtiga. Wuxuu barayaa in ficil badan uusan mar walba faa’iido keenin, halka sugiddu ay mararka qaar tahay xeeladda ugu fiican. Si tartiib ah, faa’iido yar ayaa isu beddesha mid weyn, waqtiguna wuxuu noqdaa saaxiib aamin ah akhristuhu wuxuu ogaanayaa in xorriyadda maaliyadeed aysan ka imaan lacag badan oo keliya, lakiin ay ka timaaddo qof dhisay anshax, faham, iyo awood uu ku maamulo naftiisa.







                                                        



 

Comments