Kacdoon aqooneed.

Kacdoonka aqooneed ee aynu hiigsanaynaa ma aha mid ku kooban dhismaha dugsiyo cusub ama kordhinta tirada ardayda shahaadooyinka sidata, ee waa dib-u-curinta nuxurka nolosha iyo qaabaynta garaad ka madax-bannaan amaahda fikirka shisheeye. Aqoontu waa inay noqotaa mishiin ka dhashay baahida deegaankeenna, kaas oo u tababaraya muwaadinka inuu noqdo mid xal-keen ah halkii uu ahaan lahaa mid xusuus-ilaaliye ah haddii nidaamka waxbarashadu uusan ka jawaabaynin sababta ay abaaruhu ugu soo laablaabtaan dhulkeena ama sida looga faa'iidaysan karo qorraxda iyo baddeena, markaas aqoontaasi waa mid "madi ah" oo aan xidid ku lahayn ciidda soomaaliyeed. Waa inaan ka guurnaa barashada ku dhisan xafidista oo aan u tallownaa barashada baadhista iyo shakiga horseeda helitaanka xaqiiqada, waayo maskaxda aan su’aal weydiin waxay had iyo jeer ku dambaysaa inay u hoggaansanto fikirka laga soo dhoofiyey dunida inteeda kale, taas oo keenta inuu qofku noqdo marti ku ah garaadkiisa, isagoo adeegsanaya khariidado aan loogu talagalin dhulka uu ku dul socdo.

Si kacdoonkan aqooneed u noqdo mid dhiigga iyo hilibka dadkeena dhex mara, waxaa lama huraan ah in Afka Hooyo loo aqoonsado inuu yahay weelka kaliya ee uu ku dhex jiri karo garaad dhalad ah. Afku ma aha kaliya qalab ay dadku isku fahmaan, ee waa matoorka kiciya curinta iyo hal-abuurka; marka qofku uu ku fekero afkiisa waxaa u fududaanaysa innuu si qoto-dheer u dhex galo cilmiga uuna keeno hindise ka turjumaya dareenkiisa iyo deegaankiisa aqoonta lagu barto af qalaad waxay inta badan soo saartaa dad aqoon-gudbiyeyaal ah oo aan ahayn aqoon-curiyeyaal waayo xidhiidhka ka dhexeeya ereyga iyo dareenka ayaa go'a. Marka magaca shayga iyo micnihiisu ay ku kala fogaadaan laba af, waxaa dhalata daldalool dhinaca male-awaalka ah, taas oo ka dhigta aqoonyahanka mid ku dhex wareeraya turjumada halkii uu u gudbi lahaa hal-abuurka tooska ah sidaas darted dib-u-noolaynta afka oo loo isticmaalo barashada sayniska iyo tignoolajiyadu waa tubta kaliya ee lagu dhimi karo fogaanta u dhexaysa aqoonyahanka iyo bulshada caadiga ah, taas oo ka dhigaysa cilmiga mid dadka oo dhan u furan oo aan ahayn sir u xidhan dad kooban oo ku hadla luqado aan dhulka xidid ku lahayn.

Ma aha inaan aqoonta u aragnaa wax laga soo dejiyo maraakiibta oo kaliya, balse waa inaan u aragnaa mid u baahan in laga qodo gudaha ciidda iyo dhaqanka iyadoo lagu dhex milayo horumarka casriga ah ee caalamka. Falsafadda dhabta ah ee kacdoonkani waxay ku qotontaa in la fahmo in aqoontu tahay awoodda lagu koontaroolo masiirka, taas oo aan lagu gaadhi karin iyadoo la isku halleeyo qaababka aqooneed ee ka dhashay deegaannada kale ee leh caqabado iyo faa'iidooyin ka duwan kuweenna. Haddii aanan dhisin aqoon ku qotonta nolosha miyigeenna, baddeena, iyo dhulkeena ballaadhan, waxaan had iyo jeer ahaan doonnaa kuwo raaca raadka qof kale, annaga oo aan marnaba ogaan karin halka uu ina gaadhsiin karo garaadka dhaladku. Tani waxay u baahan tahay inaan dib u eegis ku sameyno waxa aan u naqaano "Aqoonyahan," annaga oo ka wareejinayna cinwaannada iyo darajooyinka, una wareejinayna wax-soo-saarka dhabta ah iyo sida uu qofku u beddelay nolosha bulshadiisa.

Laf-dhabarta isbeddelkani waa in la unko nidaam adag oo ku dhisan cilmi-baaris iyo horumarin oo aan ku koobnayn oo kaliya dhinaca farsamada lakiin u gudba dhinaca bulshada iyo dhaqaalaha. qaran aan baadhin sifooyinka biyaha dhulkiisa, tayada carradiisa, iyo fursadaha tamartiisa, wuxuu had iyo jeer ku sugnaanayaa gacan-madow iyo talo dibadeed, taas oo ka dhigaysa xorriyadiisa mid dhalanteed ah. Waa inaan dhisnaa xarumo aqooneed oo cilmi-baarista u arka inay tahay maalgashiga ugu weyn ee qaranka, halkaas oo lagu farsameeyo xalalka looga baxayo saboolnimada iyo gaadhitaanka barwaaqada. Cilmi-baaristu ma aha raaxo maskaxeed ama hiwaayad dad gaar ahi leeyihiin ee waa daruuri jiritaan waa halka ay ka bilaabmato isku-kifaynta dhaqaale iyo tan bulsho ee aan u baahannahay si aan u noolaano marka aan xoogga saarno inaan cilmiga uga soo saarno shaybaadhada iyo berrimaha dalkeenna, waxaan dhisaynaa mustaqbal uu go’aankiisu gacanteena ku jiro, annaga oo dunida kale kula tartamayna wax-soo-saar garaad dhaladka ah oo aan laga soo minguurin meel kale.

kacdoonkani waa mid u baahan dhiiranaan garaad iyo inaan aamino inaan nahay dadka leh mas'uuliyadda curinta mustaqbalkooda, iyadoo laga gudbayo xannibaadaha maskaxeed ee ina tusaya in aqoontu ay tahay wax nagu cusub ama aanan awood u lahayn. Waa inaan u aragnaa aqoonta inay tahay iftiinka kaliya ee aan ku hagi karno weelka qarannimada ee dhex jibaaxaya badaha mustaqbalka, iyadoo la raacayo jihada ay noo tilmaamayaan cilmi-baarista dhabta ah iyo aqoonta ku qotonta afka iyo dhaqanka soomaaliyeed. Tani ma aha riyo fog ee waa xaqiiqada kaliya ee suuro-gelin karta inaan helno soomaaliya oo madax-bannaan oo dhinac kasta ka horumarsan, taas oo dhasha marka maskaxdu ay xoroowdo oo ay aqoonsato in dhisidda qaranku ay ka bilaabmato dhisidda garaadka dhalad ah ee isku kalsoon, kaas oo u arkaya dunida oo dhan inay tahay meel looga tartamo curinta, halkii ay ahaan lahayd meel laga soo daawado isbeddellada.





 

Comments